Shir looga hadlayay Amniga doorashada oo ka dhacay Baraawe

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Shir Gudoomiyey Shir looga hadlaayey Amniga guud ee Magaalada Baraawe iyo Sugida Goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan Doorashooyinka Golaha shacabka ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa Shirka la isku dhaafsadey Warbixno iyo Qorshooyin Lagu sugeyo Amniga Magaalada iyo goobaha doorashada ay ka dhaceeyso , iyo sidii Ciidamada ay isaga kaashan lahaayeen sugidda Amaanka magaalada Baraawe.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Sarakiil ka socotay Ciidamada Xoogga Dalka ,Booliska , Nabad sugida ,Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday Amisom.

Magaalada Baraawe ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doonta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka sida uu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Maraykanka oo Ciidamadii ugu horreeyay xoojinaya Naato geeyay bariga Yurub

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeri ah in la geeyo waddamada Poland iyo Romania si ay u bara taramaan gaashanbuurta NATO, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda Ukraine.

Waa ciidamadii ugu horreeyay ee Maraykanka uu geeyo Bariga Yurub iyo Jarmalka xilli ay ciidamada Ruushka ay ku sii dhawaanayaan xadka Ukraine.

Bayaan uu soo saaray, Afhayeenka u hadmay Maraykanka wuxuu ku sheegay inay xarun ka samayn doonaan Jarmalka si ay u taageeraan 1,700 oo ka mid ah ciidamadooda oo la doonayo in loo diro Poland.

“Kuwani waa kuwii ugu horreeyay ee 2,000 oo askari ah oo Yurub yimaada ka dib markii Pentagon-ka uu ku dhawaaqay in ciidamo dheeraad ah oo ka imanaya Maraykanka una guuraya Yurub si ay u taageeraan xulafadeena NATO,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay millitariga Maraykanka.

Arbacadii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu amar ku bixiyay ku dhawaad 3,000 oo askari oo dheeri ah in loo diro waddamada Poland iyo Romania si ay uga difaacaan Bariga Yurub haddii ay sii xoogeysato xiisadda Ukraine.

Sida laga soo xigtay wasaaradda gaashandhigga Maryakanka ee Pentagon-ka, ku dhawaad 1,000 ka tirsan shaqaalaha Mareykanka ee ku sugnaa magaalada Vilseck ee Jarmalka ayaa loo diri doonaa Romania.

Si katsaba, waxaa weli sii xoogeesanaya xiisadda ka taagan xadka Ukrain iyo Ruuska, waxanaa dowladda Moscow ay halkaas u dirtey 100,000 oo askari, waxaana ay ku hanjabtey in ay qaadi karto tallaabo militari haddii dalabkeeda aan la tixgalin, oo ah in NATO ay ballanqaado in aanay Xulafadheeda ku qaabileynin Ukraine .

Xildhibaano maanta lagu doortay Muqdisho

Doorashada saddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo sabti ah lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Saddexda kursi ee ay doorashadooda maanta qabsoontay waxay kala yihiin HOP#226, HOP#218 iyo HOP#270.

  1. Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise ayaa ku soo baxday kursiga koowaad oo tirsigiisu uu yahay HOP#226.
  2. Xildhibaan Dr Maxamed Elmi Ibraahim, ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay HOP#218
  3. Xildhibaan Abdiwahaab Cabdi Cumar ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay HOP#270.

Doorashada golaha shacabka ayaa si habsami leh kaga socoto magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada dalka, taas oo ah mid daah-furan oo lagu kalsoon yahay.

Midowga Yurub oo cunaqabatayn ku soo rogay shan hoggaamiye oo ka tirsan milatariga Mali

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo mid dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo ka tirsan Milatariga Mali, oo ay ku jiraan taliyayashii ku lugta lahaa afgambigii sannadkii hore,  kuwaas oo uu kamid yahay hoggaamiyihii milatariga Assimi Goïta.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay ka baxeen balan qaad ahaa in bishan la qaban doono doorasho, taas bedelkeedana ay dib u dhac ku yimid afar sano.

Sarakiishan ayaa waxaa kamid ah.

Choguel Kokalla Maïga, Ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah

Col Malick Diaw, madaxweynaha golaha ku meel gaadhka ah

Col Ismaël Wagué, wasiirka dib u heshiisiinta iyo ninkii ku dhawaaqay afgambiga Ogosto 2020

Adama Ben Diarra, oo sidoo kale loo yaqaan “Ben le Cerveau”

Ibrahim Ikassa Maïga, oo ah xubin rayid ah oo ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah.

Xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Mali ayaa hoos u dhacay, waxaana sababay afgambigii dalkaas ka dhacay tan iyo 2020 iyo go’aanka Mali ay ku shaqaalaysiisay qandaraasleyaal amni oo Ruush ah.

Waddamada Yurub oo uu ku jiro Faransiiska ayaa ka fikiraya in ay kala baxaan ciidamada ku jira cutubka dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Addis Ababa

The African Union logo is seen outside the AU headquarters building in Addis Ababa, Ethiopia, November 8, 2021. REUTERS/Tiksa Negeri

Qaar ka tmid ah madaxda dalalka Afrika ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia, halkaasi oo maanta uu ka furmayo shir madaxeed ay yeellanayaan madaxda Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda gaartay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Waa markii u horreysay ee Addis Ababa ay marti-galinayso shirka Midowga Afrika tan iyo markii dagaalku Ethiopia ka bilowday.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxyaabaha sanadkaan diirada lagu saarayo waxaa ka mid ah, dib u habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Sidoo kale Ajendeyaasha miiska saran ee madaxda Afrika ay ka doodi doonaan waxaa ka mid ah, afgambiyada militari ee ka dhacay qaar ka mid ah dalalka qaaradda iyo deganaasho la’aanta siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Tahriibayaal ay kamid ahayeen Soomaali oo ku geeriyooday Xadka Turkiga iyo Gariiga

12 qof oo tahriibayaal ah oo Labo kamid ah ay Soomaali yihiin ayaa meydkooda laga helay magaalo yar oo Turkiga ku taal una dhow xuduudka Giriiga oo ay inta badan adeegsadaan dadka tahriibayaasha ah ee doonaya inay galaan dalalka Yurub, ka dib markii ay u dhinteen sida la sheegay qabow badan iyo Baraf halkaasi ka dhacay.

Ka dib markii meydadka dadkan laga helay meel qabow ah oo u dhow magaalada Ipsala Arbacadii la soo dhaafay, wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ilaalada Giriiga inay si ula kac ah qaxootiga dib ugu celinayaan xadka.

Laba wiil oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabi jiray Abuubakar iyo yaxye, ayaa la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin Dadka Ku geeriyooday Xadka Turkiga iyo Greece sida ay Poliska u xaqiijiyeen  xubno kasocday Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga oo tagay goobta ay maydadku yaleen.

Weli waxa jira maydad kale oo aan weli la aqoonsan in ay Soomaali yihiin.

Heerkulka aagga ay ku geeriyodeen dadkan ayaa gaarayay laba ilaa saddex darajo Celsius (35.6 – 37.4 Fahrenheit) illaa dhammaadkii bishii Janaayo iyo horraanta bishan Febraayo, sida uu sheegay duqa magaalada Ipsala, Abdullah Naci Unsal.

Xildhibaano lagu doortay Muqdisho

Guddiga maamulka doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#226

Musharax xildhibaan, Marwo Maryan  Maxamed Ciise iyo Musharax xildhibaan, Marwo, Khadiija Cali Warsame ayaa ku tartamayay kursigan, waxaana ku guuleysatay Marwo Maryan Maxamed Ciise ka dib markii ay tanaasushay Khadiija Cali Warsame.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise ayaa ku soo baxday cod gacan taag ah,iyadoo heshay 95-cod, 3-qof ayaa ka aamustay.

Sidoo kale, kursiga tirsigiisu yahay HOP#218 oo ay ku tartameen Musharax xildhibaan, Maxamed Elmi Ibraahim iyo  Musharax Xildhibaan, Abdiraxmaan Cismaan Xuseen ayaa waxaa ku guuleystay Dr Maxamed Elmi Ibraahim, isagoo helay 92-cod.

kulan looga hadlayay sugidda amniga doorashada oo lagu qabtay magaalada Baraawe

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Guddoomiyey shir looga hadlaayey amniga guud ee Magaalada Baraawe iyo Sugida Goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan Doorashooyinka Golaha shacabka ee laga soo doorto deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka waxaa diirada lagu saaray qorshaha lagu sugayo amniga magaalada iyo goobaha doorashada ay ka dhaceyso ee magaalada Baraawe, waxaana ka qeyb galay shirka Sarakiil ka socotay Ciidamada Xoogga Dalka ,Booliska , Nabad sugida ,Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday AMISOM.

Magaalada Baraawe ayaa dhawaan waxaa ka bilaaban doonta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka sida uu qorsheeyay maamulka Koonfur Galbeed.

Taliska Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay maan dooriye

Ciidamada Booliska gobolka Mudug oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku soo dhigay 20-kartoon iyo gaari waday khamro la doonayay in si dhuumaalaysi looga ganacsado.

Kooxda wadatay  khamrada iyo ciidanka booliska waxaa dhexmartay israsaasayn kooban, ma jirto wax khasaaro ah oo ka dhashay israsaaseyntaas.

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe waxa ay wadeen howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka, sidoo kalena lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriye.

Guddiga maamulka doorashada Somaliland oo shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 2-kursi

Guddiga maamulka doorashooyinka xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 2-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Mogadisho.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa si daah furan kaga socota magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada dalka.