Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Agaasimaha Guddiga ee ka Teegarida Soomaliya dhanka Amniga

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare, ayaa qaabilay Agaasimaha Guddiga Teegarida Soomaliya ee Amniga, Nabadda iyo Horumarinta Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay (UNOPS), Mudane Tim Lardner, oo booqasho sharafeed ku yimid maanta Wasaaradda, iyaga oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin fududaynta shaqada UNOPS ee Somaliya, iyo isu-duwidda iyo la jaanqaadida Qorshaha horumarinta Qaranka ee NDP-9.

Labada mas’uul ayaa kullankooda waxa uu kusoo idlaaday xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dar-dar galinta mashariicda fulinta u baahan xiligan ee mudnaanta u leh dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa dalka Gaana

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed barbar socda Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika, la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Gaana Mudane Nana Akufo-Addo.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyaga oo ay Madaxweyneyaashu isla qaateen in ay si buuxda isaga kaashadaan horumarinta iyo ka wada shaqaynta danaha labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Gaana.

Kumaandooska Danab oo hawlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano hoostaga Jubada hoose

Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab XDS ayaa Hawlgal Qorsheysan Waxa ay Ka fuliyeen Deegaanada kala ah Sanguuni, Muse Xaajji, Arraare, iyo Koban oo dhamantood hoostaga Gobolka Jubada Hoose.

Ujeedka Hawlgalkaan ayaa ahaa Burburinta Goobo Cadowga Argagixisada Nabadiidka ay kaga Dhumaalaysan Jireen Deegaanadaas, iyagoo halkas ku dhibatayn jiray Dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Ra’iisal wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan ka horgagga macluusha iyo arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer.

Ra’iisal wasaaraha ayaa  ergayga kala hadlay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray magaalada Baladweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baladweyen ee Xarunta Gobalka Hiraan, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga uu hoggaaminayay madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, qaar ka mid ah maamulka Gobalka Hiiraan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Socdaalka uu madaxweyne Cali Guudaalwe ku tagay Baladweyne ayaa ku soo aadaya xilli lagu wado inay halkaas ka dhacdo qaar ka mid ah doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11aad.

Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay fadhiga golaha nabadda iyo ammaanka ee shir madaxeedka Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto dabargoynta arxanlaaweyaasha Alshabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.

“Argagixisada Alahabaab waxa ay khatar ku tahay dhammaan nolosha dadka Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno khataraha inagaga imaanaya  argagixisada Alshabaab iyo kooxaha kale  ee xagjiriinta ah.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo  jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay sannadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Alshabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.”

Shirka oo maalintiisii labaad galay, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha, la dagaallanka ayaxa, iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Abiy Ahmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed ka tirsan Shir Madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa dalka Rwanda oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad ah

ADIS ABABA)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa sabtidii maanta dhiggiisa dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, la saxiixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhinac socday Shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga labada dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo Maanta furmay

ADIS ABABA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa. Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Shirka oo ilaa berri sii socon doona, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Koonfur Galbeed oo shaaciyay iiska guddiga xulista ergada Doorashada 13 Kursi oo Baraawe ka dhici doonta

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Maamul-goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada 13 Kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadoodu ka dhacayso Deegaan Doorashada labaad oo ah BARAAWE.