Wasiirka haweenka oo tababar ku saabsan Haweenka iyo nabadda ka furtay Muqdisho-

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS xildhibaan, Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta u furtay tababar agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha haweenka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Tababarka ayaa ku saabsan soo bandhigista waxyaabaha hor tebinta u leh barnaamijka Haweenka iyo nabadda ee ay wasaaradda Haweenka dowladda federaalka waddo.

Wasiir Xaniifa, oo ka hadlaysay furitaanka tababarka ayaa sheegtay in ay rajo weyn ka qabto in gunaanadka tababarka ay ka soo bixi doonaan warbixinno wax weyn ka tari doona habsami u socodka barnaamijka Haweenka iyo nabadda.

Tababarkan oo labo maalin socon doona ayaa waxaa ka horeeyay mid ay yeesheen guddiga farsamada barnaamijka Haweenka iyo nabadda.

Wasaaradda waxbarashada oo tababar u furtay qaar ka mid ah howlwadeennadeeda

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar uga furtay magaalada Muqdisho hawlwadeenno loo qorsheeyay in ay ka qeyb-qaataan Cilmi baaris lagu sameynaayo Manhajka Waxbarashada Degdegga (WAD) ee dhawaan wadanka laga hirgeliyay.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Manaahijta Mudane Mohamed Hassan Mukhtaar oo furay Tababarka ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada in ay tababarka ka faa’ideystaan si ay u soo uruuriyaan xog-sugan oo lagu go’aan qaadan karo, isagoo ujeeddada tababarka iyo cilmi-baarista ku sheegay in ay salka ku hayso sidii loo sii horumarin lahaa manhajkii dhawaan la hirgeliyay, looguna biiriyo talooyinka bulshada qeybahooda kala duwan ka imaanaya.

Ugu danbeyn, Agaasimaha ayaa u mahadceliyay Hay’adda USAID Soomaaliya mashruuciisa Bar ama Baro taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wadaaradda gaar ahaan Waaxda Manaahijta.

Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda umadda ee kuliyadda qanuunka oo Kulan casho sharafeed ah qabsaday

Munaasabad casho Sharafeed ah oo ay u sameeyeen ardeyda kuliyada Qaanuunka ee dufcada B6 Maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ayaa si qurux badan uga dhacday Muqdisho

Qaar kamid ah Ardayda oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf uu tahay in macalimiintooda waqti macasalaameyn iyo mahad celin la qaataan.

Macalimiinta ayaa Ardayda kula Dardaarmay in ay dabaqaan sharuucdii kala duwanaa ee ay barteen maadaama ka mid yihiin intooda badan masuuliyiin iyo howlwadeeno ka kala tirsan saddexda hay’adood ee dowladda.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxamed Abdikheer waxaana wehlinayey Wakiilka Hay’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa wafdiga Hay’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee loo baahanyahay in Hay’ada ay ka qabato deegaanada Jubaland, iyadoo ay muhiimada koobaad la saarayo sidii deg deg looga jawaabi lahaa arimaha abaaraha ee ka jira deegaanka, dadka xiligan la ildaran abaartana loo gaarsiin lahaa biyo, cuno, agabyada lagu dhisto hoyga iyo adeegyada caafimadka oo aasaasi u ah nolasha aadanaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Hay’ada IOM sidii xal loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, dadkana loogu abuuri lahaa fursado ay ku hormariyaan nolashooda.Ugu dambeeyntii Jubaland iyo Hay’ada IOM ayaa kawada hadlay sidii loo adkeeyn lahaa iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicyada kale ee laga fuliyo deegaanada Jubaland

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu qabtay Jowhar

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee hirshabeelle ayaa Maanta waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ku qabteen doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.BFS

Kursiga Koowaad ee Hop#70 ayaa waxaa ku wada tartamay Cabdiraxman Maxamed Sheekh & Maxamuud Cali Bariise,Waxana ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo helay 71 cod  halka Musharaxa la tartamayay uu helay helay 14 cod, waxaana halaabay 13 Cod.

Kursiga labaad ee Hop#115 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Magaalada Beledweyne

Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirka amniga oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobolka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Hay’addaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne oo ay ka dhacayaan doorashooyin xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubno katirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo u ambabaxay degmada Baraawe

Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada dadban Mudane Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay safar shaqo u aaday magaalada Baraawe ee Dowlad Goboleedka Konfurgalbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ayaa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorashada Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta Magaalada Baraawe.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa sheegeen in Guddigu uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee golaha shacabka BFS.

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhaceysa jowahar

Jowhar:- Magaalada jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle waxa maanta lagu wadaa in lagu qabato doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka BJFS

Xubanha ku tartamay labada kursi ayaa shalay la soo gaba gabeeyay diiwaangalintooda waxaana kuraasta Maanta doorashadooda ka dhaceyso Magaalada Jowhar ay kala yihiin.

1Hop#115 iyo  HOP 070 kuwaa oo ay ku tartami doonaan Masharaxiin dhowr aha waxaana Magaalada jowhar ka soconeyso qaban qaabada doorashada,iyadoona  aad loo adkeeyay Amniga Magaalda jowhar oo ay doorashadu ka dhaceeyso.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhalinyarada faray ka qeyb qaadashada la dagaalanka Maandooriyaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay doorka ay dhallinyarada ku lee yihiin ololaha ciribtirka Maandooriyaha.

Munaasabadan oo ka dhacday xarunta aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal dhallinyara ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo goobta lagu soo bandhigay Muuqaalo ka turjumayay howlgalda ay ciidanka Boliiska ka fuliyeen Caasimadda kaas oo lagu soo qabtay Daraagis kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay ololahaas oo si xoogan haatan uga socda degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada Caasimadda ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo xasiloonida magaalada islamarkaana ay muhiim tahay ka qeyb qaadashada la dagaalanka Muqaadaraadka.

Jadwalka doorashada Shan kamid ah Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanadda Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka BFS ee hoos ku xusan.

1-HOP#241. 2-HOP#263.

3-HOP#240. 4-HOP#271.

5-HOP#205.

Doorashada Shantaan Kursi ayaa Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay sheegeen inay dhaceyso 10-ka Bishaan, isla markaana diwaangelinta Musharrixinta la soo geba-gabeyn doobo 9-ka Bishaan