Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo bayaan wada jir ah soo saaray

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa lagu qeexay Geeddi socodka howlaha kala guurka ee hawlgalka Amisom oo hadda ka dib loo bedelayo mid ku meel gaar ah.

Dowladda Federaalka iyo Amisom ayaa isla qaatay jadwal ay ku xuseen sida howluhu u kala horreeyaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono degmooyinka ay abaarahu ka jiraan ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay  abMasuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jir

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beledweyne si looga hortago kuwa geysanaya fallaka amni darro.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Safiirka Dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad

Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxa ay sidokale ka wada hadleyn xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ciidamada xoogga dalka oo la wareegay degaanno ka tirsan degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyedd ee ku sugan degmada Garbahareeya ayaa howllgallo qorsheysan oo ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo

Ciidamada ayaa howlgalaka si gaar ah uga sameeyay degaannada, Doofaareey, Booco, Goora-dheer iyo degaanno kale halkaas oo argagixasada si dhumaleysi ah ay ku imaan jireyn islamarakana ay ku dhibateyn jireen dadka Shacabka ah.

Taliyaha Giutada 10aad ee qeybta 43aad Gaashaanle Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo faahiyay howlgalka ayaa sheegay in degaannada howlgalka ka sameeyeen ay ahaayeen kuwo mararka qaar lagu arki jiray Al-Shabaab, isla markaana ay Al-Shabaab, isaga baxeen markii ay ka warheleen in uu kusoo wajahan yahay howlgalka Ciidamada.

Taliyaha ayaa sidokale sheegay in Maleeshiyada ay Al-shabaab ay dhibaato ku hayaa dadka ku nool Tuulooyinka hoos yimaadi degmada Garbahareey kuwaas oo sida uu shegay hada ladhibateeysan Abaaraha ka jira deganadaasi.waxa una sheegay in ciidmada xoogga ay sii wadi doonaa howlgalada tan iyo inta argagxisada laga sifeeynayo deganadasi

Shir sannadeedka Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho,

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar masuuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta madax  ka socota maamul goboleed yada dalka safiirka mareykanka ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeybgalay,

Shirka inta uu socdo ayaa waxaa jiri doona doodo iyo cilmi baarisyo kala duwan oo lasoo bandhigi doono waxaana uu soconayaa muddo labba maalin ah.

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabanayo Baraawe

Baraawe- Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu wadaa in degmada Baraawe oo ah degaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed inay ku qabtaan doorashada Todoba kamid ah kuraasta golaha Shacabka oo 13 kamid ah ay dhawaan Guddigu sheegay in doorashadooda halkaasi  lagu qabanayo.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 26 musharrax oo Maanta iyo beri ku tartami doona 13 kursi ee Golaha Shacabka..

Maalinta berito ah ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Baraawe lagu doorto 6 kamid ah 13 kursi ee Golaha Shacabka ee loo asteeyay in halkaas lagu doorto.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wefdi ka socday hey’adda Socdaalka ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ay weheliso agaasimaha waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee wasaaradda Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa maanta qaabilay wefdi ka socda Hey’adda Socdaalka iyo Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayey Mudane Maxamed Abdiker  oo ah u qaabilsanaha Hey’adda Bariga iyo Geeska Afrika. Kulanka ayaa looga hadlay istaraatijiyada cusub ee IOM, xaaladda barakacayaasha iyo qaxootiga.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii  xoojiyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya wasaarada iyo hey’adda IOM , iyada oo diirada la saarayo ka shaqeynta dhinacyada nabad-dhisidda, yaraynta faqriga iyo sidii xal waara loogu heli laha arrimaha barakacayaasha.

Madaxweyne ku-xigeeenka Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday hay’adda Qaramada Midoobey

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Siciid Cabdi Muumin iyo saraakiil ka socday hay’adaha Caalamiga ah ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha UNSOM iyo UNICEF.

Ujeeddada Kulanka ayaa ahayd Ilaaaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa doorka ka wada qaybgalka hurumarinta iyo Ilaaaalinta Xuquuqda Aadanaha.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xafiiska xuquuqul aadanaha Puntland uga mahadceliyay shaqada muhiimka ah ee ay shacabka u hayaan, waxaana uu ku booriyay inay howsha halkaa kasii wadaan.

Tabashadii ay qabeen qaar ka mid ah bulshada reer Hiiraan oo xal laga gaaray

Baladweyn- Afhayeenka madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa arrimaha bulshada ku sheegay in maanta xal laga gaaray tabashadii ay maamulka Hirshabeelle ka qabeen qaar ka mid ah dadka reer Hiiraan.

“Waxaa maanta heshiis rasmi ah laga gaaray tabashii ay ka qabeen beelaha qaar Dowlad goboleedka  Hirshabeelle, Odayaasha iyo waxgaradka beesha oo maanta kulan la qaatay Madaxweynaha  Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen waxa ay ka raalli galiyeen diidamadii ay qabeen iyo hadalladii ay warbaahinta la wadaageen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle , Yuusuf dabageed ayaa lagu wadaa inuu goordhow shir jaraa’id ku faahfaahiyo heshiiskii ay gaareen Madaxda maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah waxgaradka reer Hiiraan.

Dowladda Imaaraadka oo gargaar soo gaarsiisay Soomaaliya

Shixnaddii labaad ee raashin gargaar ah ayay maanta dowladda Imaaraadku soo gaarsiisay Soomaaliya taas oo loogu tala galay dadka abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka gargaarka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddiga Qaran ee Abaaraha ayaa kala wareegtay shixnadda dowladda Imaaraadka.

Wasiir Khadiija ayaa ugu mahad celisay dowladda Imaaraadka Carabta garab istaagga walaalaheeda Soomaaliya iyo dadka ay abaaruhu waxyeelleeyeen.