Shir Sannadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu soo Gabogabeeyey.

Waxaa magaaladda Muqdisho lagu soo gabogabeeyey Shir Sannadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ee sannadkan 2022, Waxaana kalmadda xeritaanka kusoo gabagabeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Hon. Suleyman Maxamed Maxamuud iyo Gud. Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed, iyaggoo u mahad celiyey martida iyo ka soo qeyb galayaasha waqtigooda soo huray.

Gabogabada shir sanadeedka Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeedkaan Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Saxiixay Seddex Sharciga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Saxiixay Sharciga Biyaha,Sharciga Dhulka iyo Sharciga shaqaalaha aan Dowliga aheyn oo ay soo gudbiyeen Wasaaraddaha Biyaha,Howlaha-guud iyo Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.

Gollaha Wakiilada iyo Gollaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed ay soo dhamaystireen hanaankii sharci ee kaga aadanaa dhaqan galkiisa.

Shirka Golaha Wasiirada jubbaland oo Warbixino looga dhageestay dhowr Wasaaradood

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arrimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhammaan dadka ree Jubbaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Jubbaland ay waddo gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatada gaartay.

Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda Isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha Caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah Wasaaradda qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiirada kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaaradda iyo adeega ay u hayso bulshada.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa ayna golaha wasiirada u qeybisay sharciga lagu dhisayo wakaalada.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland ayaa ka war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubbaland ayaa golaha warbixin ka siisay canshuur uruurinta iyo mashruuca cusub ee SOMCAS kaa oo u sahli doono canshuur bixiyaasha in qaab fudud ay ku bixiyaan lacagaha canshuurta ah.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubbaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah.

B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn.

T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.

Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan ,iyadoo toddobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu ansixin doono.

Baraawe oo lagu doortay lix kursi oo ka mid noqonaya BFS

Baraawe- Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Baraawe ee caasimadda maamul goboleedka koofur galbeed doorashada lix kursi oo ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha maanta kusoo baxay tartanka kuraasta BFS ee maamulka koofur galbeed ayaa kala ah , Cali Maxamed Sheekh (Bagadi) , Maxamed Yuusuf Xasan, Cabdifataax Cabdulaahi Araye, Aweys Xuseen Macalin, Jawaahir Cadaawe Cabdi iyo Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure.

Magaalada Baraawe oo degaan doorasho u ahayd 13 xildhibaan oo ka mid noqonaya BFS  ayaa toddoba ka mid halkaasi lagu qabtay shalay, halka maantana ay ka dhacday doorashada lix kursi oo kale.

Haya’dda Qatar Charity oo gargaar gaarsiisay magalooyinka Dhoobleey iyo Ceel Barde

Haya’dda Qatar Charity ayaa raashin u qaybisay dadak ay abaaruhu saameeyeen ee ku soo barakacay Magaalooyinka Dhoobleey oo ka tirasan Gobolka Jubbada hoose iyo degmada Ceel-Barde ee Gobolka Bakool.

Mashruucan raashin qaybinta ah ayaa waxaa ka faa’iidaystay in kabadan 9,240 qof oo ka tirsan qoysaska ay sida daran u saamaysay abaarta, taas oo keentay in ay waayaan xoolihii hoosna u dhaco wax soo saarkii beeraha.

Wakiilka Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka maamulka Jubbaland ee magaalada Dhoobleey, Cabdimaalik Baddal Maxamed ayaa uga mahad celiyay deeqda ay Qatar charity gaarsiisay dadka kasoo barakacay abaarta.

Guddoomiyaha degmada Dhoobleey, Siyaad Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay aad uga faraxsanyihiin gargaarkan oo ku soo beegmay xilli ay barakacayaasha ku sugan degmada Dhoobleey wajahayaan xalada nololeed oo aad u adag.

Guddoomiye Siyaad ayaa uga mahad celiyay shacabka reer Qatar iyo Haya’dda Qatar Charity garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

Haya’dda Qatar Charity ayaa sidan oo kale horay uga qaybisay  raashin ay kaa faa’iidaysteen 7,800 qof, oo ku dhaqan magaalooyinka Kismaayo iyo Garba-haareey ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xildhibaanada maanta la doortay iyo magacyadooda.

Doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka oo maanta ka socota magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe ayaa waxaa ku soo baxay ilaa 9 mudane waxayna kala yihiin.

Magaalada Baraawe waxaa saaka lagu doortay Aweys Xuseen Macalin ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP080 ee oo horey ugu fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa.

Aweys waxa uu helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Maxamed Cusmaan Jibriil uu keensaday 20-cod, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada.

Cali Cabdi Ibraahim ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP271 ee golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Mudane Cali waxaa u codeysay 90 qof ka dib markii ay ka tanaasushay Fatxiya Obsiiye Waceys oo aheyd murashaxa la tartamayay Cali, sidaa waxaa ku dhawaaqay guddiga maamulka doorashada.

Cali Maxamuud Aadan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP240 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Cali Maxamuud Aadan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP240 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu heley 98 cod ka dib markii ay tanaasushay murashax Rooda Maxamuud Axmed oo la tartamaysay murashac Cali Maxamuud Aadan, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashada.

Baraawe waxaa lagu doortay Cabdifataax Cabdulaahi Araye oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP173.
Magaalada Baraawe waxaa lagu doortay Cabdifataax Cabdulaahi Araye oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP173 ee Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Cabduhaab Cali Axmed uu heley 16-cod

Baraawe waxaa maanta lagu doortay Maxamed Yuusuf Xasan oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP160.
Isla Baraawe waxaa lagu doortay Maxamed Yuusuf Xasan oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP160 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Cali Abuukar Maxamed uu heley 12-cod.

Baraawe waxaa lagu doortay maanta Cali Maxamed Sheekh (Cali Begedi)oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP250.
Doorasho maanta ka qabsoontay Magaalada Baraawe waxaa la doortay Cali Maxamed Sheekh oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP250 ee Golaha Shacabka BFS.

Cali waxaa uu heley 80 cod halka murashaxii la tartamayay oo ahaa Cabdala Maxamed Shariif uu keensaday 17 cod, sida ay ku dhawaaqeen guddiga maamulka doorasha

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu doortay Muuse Siciid Jaamac oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP 263.
Muuse Siciid Jaamac ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 263 ee Solaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu doortay Axmed Cabdi koshin oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP205.
Axmed Cabdi koshin ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP 205 ee golaha shacabka doorasho ka qabsoontay Muqdisho.

Cabdiqani Ismaaciil Siciid ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP241 oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.
Cabdiqani Ismaaciil Siciid ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP241 ee Golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Cabdiqani waxaa hab gacan taag ah ugu codeysay dhammaan ergada oo aheyd 100 ka dib markii ay tanaasushay Ayaan Ismaaciil Cabdi, sida uu sheegay guddiga maamulka doorashada Soomaaliland.

Taliska Boliiska oo ka war bixiyey qarax ka dhacay Muqdisho

Ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa goordhow isku qarxiyay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Col Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in dad u badan rayid ay waxyeello ka soo gaartay qaraxaas, isla markaana ay warbixin dhameystiran ka soo saarayaan.

Tirada kuraasta xildhibaanada maanta la dooran doono

Doorashada shan kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka kana soo jeeda gobolada waqooyi ee dalka ayaa maanta ka dhacaysa hoolka Dugsiga tababarka ciidanka booliiska Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Kursiga #HOP205 oo lagu bilaabay doorashada shanta kursi ayaa waxaa ku tartamaya Axmed Cabdi Kooshin iyo Muna Xuseen Faarax.

Waxaa ku guuleystay Axmed Cabdi Kooshin ka dib markii Muna ka tanaasushay tartanka, ergada dooranaysay kursiga oo aheyd 99 ayaa cod gacan taag ah ku doortay, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

Dhanka kale, doorashada lix kursi oo Golaha Shacabka kamid ah ayaa maanta lagu dooran doonaa magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koofur Galbeed, sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Waxaa si dar dar leh ku socota doorashada Golaha Shacabka oo hadda tirada la doortay ku dhowdahay 120 xildhibaan.

Wasiirka caafimaadka oo xarigga ka jartay qeyb cusub oo lagu kordhiyay Isbitaalka Martiini

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Drs; Fawziya Abiikar Nuur ayaa  xarigga ka jartay qeyb cusub oo loo dhisay Hooyadda iyo  dhallaanka Isbitaalka guud ee Martiini iyo sidoo kale bakhaarka kaydka daawada oo isaguna ah dhisma cusub.

Wasiirka Caafimaadka ayaa bogaadisay dedaalka ay maamulka Isbitaalka Martiini ku bixiyeen dhismaha xarunta Hooyadda iyo dhallaanka, waxayna sidoo kale shahaadooyin dhiirra gelin ah gudoonsiisay shaqaalaha ugu firfircoon qeybta lagu daweeyo Hooyada iyo dhallaanka.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqatay qeybaha Isbitaalka, iyadoo u kuur gashay adeegyada Caafimaadka ee uu Isbitaalka siiyo Bulshadda Soomaliyeed.

Wasiirka caddaaladda oo sheegay inay isku xiran yihiin amniga iyo caddaaladda

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka JFS mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ka hadlay kulan lagu soo xirayay shir socday muddo labo toddobaad oo looga hadlayay soo idlaashaha guddi farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika laguna gorfeynayay qorshaha Qaran ee kala-guurka iyo sidii loo dardar gelin lahaa habraacyada fulinta mandate-ka lagu heshiiyey labada sano ee soo socota ayaa sheegay in caddaaladda iyo nabaddu ay isku xiran yihiin.

Wasiirka Cadaaladda oo horeyna u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS, xog ogaalna u ahaa geeddi socodka loogu jiray dib u hanashada hanaanka amni oo ay dowladda kagala wareegeyso AMISOM, ayaa ka hadlay sidii Caddaalad loo gaarsiin lahaa dhammaan degaannada laga xoreeyey ururrada argagixisada, loona xallin lahaa gocashooyin ay qabaan bulshooyinka ku dhaqan.

Wasiirka ayaa xusay in amniga iyo Cadaaladda ay yihiin labo isku lammaanan, loona baahan yahay in degaannada la xoreeyo shacabka ku dhaqan ay helaan caddaalad.

Wasiirka ayaa gunaanadka munaasabadda uga mahadceliyey beesha caalamka sida aan kala go’a lahayn ee ay u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.