Maraykanka iyo xulafadiisa oo Muwadiniintooda ugu baaqay inay ka soo baxaan Ukraine

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa ku booriyey muwaadiniintooda inay degdeg kaga baxaan dalka Ukrain si ay uga fogaadaan duulaanka Ruushka, oo ay ku jiraan weerar dhinaca cirka ah oo ay Washington sheegtay Jimcihii inay dhici karaan wakhti kasta.

Maraykanka iyo Yurub ayaa sare u qaaday digniintooda ku aaddan weerar soo fool leh, halkaa Moscow ay ku eedaysay waddamada reer galbeedka inay ‘faafinayaan been ay ku qarinayaan falalkooda gardarada ah’.

Ruushka ayaa in ka badan 100,000 oo askari ku ururiyay xuduudka Ukraine balse wuu Ruushku inkiray inuu qorsheynayo inuu duullaan ku qaado.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa iyaga oo cadaadis saaraya dhanka diblomaasiyadda, waxa ay sheegeen in Ruushka uu soo duuli karo ka hor inta aan la soo gabagabeyn ciyaaraha Olombikada Qaboobaha ee 20-ka bisha Febraayo, lagana yaabo in uu isku dayo in uu qabsado caasimadda Kyiv iyo magaalooyinka kale.

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in muwaadiniinta Mareykanka aysan filan karin daadgureynta militariga haddii ay ku sii sugnaadaan Ukraine 48 saac gudahooda ay uga baxaan.

Australia iyo New Zealand ayaa noqday dalalkii ugu dambeeyay ee ku boorriyya muwaadiniintooda inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Ukraine, iyagoo ku biiray Britain, Japan, Latvia, Norway iyo Netherlands. Israa’iil ayaa sheegtay inay daad gureyneyso ehelada shaqaalaha safaaraddooda.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mevlut Cavusoglu, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee labada dowladood iyo labada Shacab ee walaalaha ah.

Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Labada Wasiir ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaaladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliyeed oo 5 ahaa, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga tagaarada ay la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay dareenka farxadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan bogsashada Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Marwada Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dhowaan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.

Guddiga doorashada Soomaaliland oo shaaciyay jadwalka doorashada 7-kursi

Guddiga maamulka doorashada xildhibaanadda labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7-kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa ogeysiiyay ergada iyo musharaxiinta u tartameysa kuraasta tirsigooda hoos ku xusan in ay  diyaargaroobaan diiwaangelinta maalmaha ku mudeysabn jadwalka hoose.

Guddiga hirgelinta doorashada K/Galbeed oo shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada 13 kursi

Guddiga maamulka hirgelinta doorashada dowlad goboleedka K/Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 13 kursi oo ka mid ah golaha shacabka.

Tirada dadka u dalxiis tagaya xeebta Liido oo kordhaya

Iyadoo laga ambaqaadayo olole nadaafadeed oo maalmahaan ka socday xeebta Liido,ayaa waxaa sii kordhaya tirade dadka ee doonaya in waqtiga fasaxa maalinka Jimcaha ay ku qaataan Magaalada Muqdisho,gaar ahaan xeebta Liido.

Boqolaal ruux oo ka kala socda qeybaha bulshada ayaa maanta isugu tagay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho,si ay ugu qaataan waqtiga nasashada maalinta Jimcaha ee dhamaadka todobaadka.

Dhinaca kale olole nadaafadeed oo ay horkacayaan kooxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa ka socda xeebta Liido,iyadoo ujeedku yahay in la soo celiyo bilicda xeebta iyo in dadweynuhu ay helaan goobo nadiif ah oo ay ku qaataan waqtiga nasashada maalinta fasaxa ah ee Jimcaha.

Ololahaan ayaa dhiirigaliyay in todobaadyadii u dambeeyay ay soo bataan dadka u dalxiis tagaya Xeebta Liido ee daneynaya in ay u damaashaad tagaan haslkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo tababar diblomaasiyadeed u soo xiray howlwadeeno dowladeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah ugu soo xiray Caasimadda Muqdisho tababbar aasaasi ah oo diblomaasiyadeed 34 shaqaale dowladeed.

Tababbarka oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda ayaa soconayay intii u dhexeysay 5-27 January, laguna qaadanayay casharro aasaasi ah oo diblomaasiyadda iyo habmaamuuska la xiriira sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Machadka Mudane Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatahu) oo carabaabay rajadiisa in Machadku u qabto tababbaro kala duwan dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed si loo horumariyo shaqada, looguna diyaariyo aqoon ahaan si ay u hagaagto howl-gudashadooda iyo ka soo dhalaalidda waajibaadka iyo mas’uuliyadaha loo igmaday si looga dhabeeyo ujeedka la hiigsanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka hadlayay xafladda ayaa caddeeyay in Machadku u diyaar yahay tababbaridda iyo bixinta koorsooyin ku habboon oo lagu daboolayo baahiyaha waxbarasho ee diblomaasiyadda Soomaaliya si kor loogu qaado heerka adeegga.

Xafladda xiritaanka tababbarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos), Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Maxaabiis xaflad qalin jebin ah loogu sameeyay Xabsiga Dhexe

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Cdanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10.02.2022 xaruunta Xabsiga Dhexe ugu soo xirey munaasabad qalin-jebin ah oo loo sameynayey maxaabiis heerar kala duwan oo dhameystey Waxbarasho ka kooban heerarka Waxbarashada kala ah dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Rajo.

Masuuliyiinta munaasabadda timid ayaa si wadar ah u wada muujiyey in micnaha saxda ah ee xabsiga aanu aheyn in dadka lagu ciqaabo, balse ay tahay in dadka lagu dhaqan celiyo, xirfadna lagu baro si ay u sameystaan fursad shaqo kadib marka ay dhameystaan mudada ay ku jiraan xabsiga iyo si ay fursad ugu helaan waxbarasho sare oo ay sii wataan.

Waxbarashada Xabsiga Dhexe ee Muqdisho oo ah midka ugu weyn Soomaaliya ayaa ah mid ay horey uga faa’ideysteen maxaabiis badan oo ka bartay xirfado kala duwan, kuwaas oo haatan banaanka markay yimaadeen ku shaqeysta kana hela nolol maalmeedkooda.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Taliska Asluubta ayaa uga wakiil ah dhaqan celinta xag jirayaasha, kuwa gala dambiyada iyo darbi-jiifta si ay u helaan xuquuqdooda muwaadin, ayna ula falgalaan bulshada inteeda kale.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo guddoomiyay shirka isku xirka u qeybsanayaasha Safaaradaha

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa guddoomiyay shirka isku xirka u qeybsanayaasha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay wadamada caalamka.

Shirka u qeybsanayaaaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo lagu qabtay habka fogaan aragga ayaa waxaa ka qeybgalay 20 u qeybsane oo safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay joogaan ka bixiyaan adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka Soomaaliya.

Uqeybsanayaasha Hay’adda ee Safaaradaha ayaa waxay shirka ku soo gudbiyeen warbixinada la xiriirta arimaha Socdaalka, heshiisyada iyo habraacyada cusub ee dalalka ay ka howlgalaan, sidoo kale waxay soo gudbiyeen xaaladaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalalka ay ka howlgalaan. Shirka u qeybsanayaasha ayaa waxaa goobjoog ahaa Waaxyaha Jinsiyadda, Kontoroolka Xuduudaha, Ajaanibta, shaqaalaha, Howlaha, Xiriirka Dibedda iyo Waaxda Baarista Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa u qeybsanayaasha Hay’adda Socdaalka u sheegay in uu waajib ka saaran yahay ilaalinta shuruucda iyo habraacyada lagu bixiyo adeegyada ay ka bixiso Hay’adda safaaradaha dibedda, isla markaana lagula xisaabtamayo waajibaadkooda shaqo oo ay u joogaan dalalka ay ka howlgalaan.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdul ayaa ku howlan dardargelinta adeegyada Hay’addu ka bixiso safaaradaha dibadda iyo in laga jawaabo baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ku sugan wadamada caalamka.

Guddiga maamulka Doorashada Koofur Galbeed oo shaaciyey 13 kursi oo kamid ah kuraasta Taala magaaladda Baraawe

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur Galbeed SEIT ayaa shaaciyay 13 kursi oo kamid ah kuraasta Taala magaaladda Baraawe ee xarunta maamulkaasi.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS oo la kulmay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax Ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa WFP ee Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha abaarraha dalka ka jira iyo sidii loo fududayn lahaa duulimaadyadda Gargaarka sidii ay deg deg ugu gaari lahaayeen goobaha loo qorsheeyay.

El-Khidir Daloum Ayaa Wasiir Duran Farah uga mahad celiyay sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududaynayso hawlaha gurmadka abaaraha, waxaana uu sheegay in dhankooda ay ku dadaalayaan in dadka cunada u baahan gargaarku si dhaqse ah u gaaro.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka ayaa boggaadiyay dadaalka WFP waxaana uu dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan iskuma gargaaraan.