Madaxwweynaha maamulka Hirshabeelle oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta guddoomiyey kulanka guud ee golaha wasiirada maamulkaas.

Shirka golaha wasiirada ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan sugida amniga iyo xasilinta magaalada Beledweyne iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa wasiirka amniga gudaha ka dhageystay qorshe guud oo amniga lagu sugayo iyo halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale, golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa isla soo hadal qaaday abaaraha ka jira deegaanadaas iyo sida ugu haboon ee xal loogu heli karo.

Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo Muqdisho ku geeriyooday

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) ayaa goordhaw ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho oo uu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa.

Wasiirka,wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka iyagoo Allaah uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo..

Cabdikariin Faarax Qaarey, oo ku magac dheeraa Jiir,sidoo kale, waxaa uu kamid  ahaa mulaxamiistayaasha Soomaaliyeed., wuxuuna lafdhabar u ahaa bahda fanka.

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Shaqaale ka tirsan Q.M oo lagu afduubtay Yeman

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay, in shan ka mid ah shaqaalaheeda lagu afduubtay koofurta Yeman, xilli ay kusii jeedeen magaalada Caden.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Russell Geikie ayaa sheegay in shank amid ah howlwadeenadooda lagu afduubay gobolka Abyan ee dalkaasi Yeman, isla markaana ay hadda ku rajo weyn yihiin in maamulka degaanadaas ka taliya ay xorriyadooda dib ugu soo celiyaan shaqaalahan la afduubtay ee ka tirsan Qaramada Midoobay.

Guddiga doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay 13-kursi oo lagu dooran doono Baladweyne

Guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay qeybtii Koowaad 13-kursi ee ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taala magaalada Beledweyne ee xarunta ganacsiga maamulka Hirshabeelle.

 

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirka Dowladda Mareykanka

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay. Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal.

Sidoo kale waxay kawada hadleen dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Labo Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiyaha degmada deyniile Maxamed Abuukar Cali (jacfar) ayaa saakay ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay hop#025, kadib doorasho ka dhacday dhuusamareeb.

Xasan cali cismaan oo ah musharaxii isku diiwaan geliyey inuu la tartamo jacfar ayaa tanaasulay, waxaana sidaas jacfar ugu codeysay 100 ka mid ah ergadii kursigaas.

Sidoo kale, xildhibaan Cadar Cali Maxamed ayaa ku guuleysatay kursiga sumadiisa tahay Hop#081,  kadib doorashii ka dhacday dhuusamareeb .

Nasro Maxamed Dalabeey oo ah musharaxii isku diiwaan geliyey inuu la tartamo Cadar Cali Maxamed, waxaana sidaas Cadar Cali Maxamed ugu codeysay 71 ka mid ah ergadii kursigaas.

Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa si dardar leh uga socota gobollada dal, waxuuna qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan oo ah waqtigii loo asteeyey.

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay doorashada seddex kursi

diga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed Galmudug oo shaaciyeen Guddiga Xulista Ergada kuraasta seddex kursi oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ee dorashadooda ka socoto Dhuusamareeb.

Jadwalka doorashadooda kuraasta oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacbka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Magaaladda Dhuusamareeb ayaa dhicidoonta maalinta isniinta ah.

  1. HOP#040
  2. HOP#138
  3. HOP#007

Xubin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Cusmaan Abii Bakar Maadey oo magaciisa afgarashada uu yahay (Cabdullahi ) kana tirsanaa Nabad-diidka Alshabab ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad.

Cusmaan oo muddo saddex sano maleeshiyada ka tirsanaa ayaa ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay gobolka Bakool, wuxuuna sababta ku kaliftay inuu ka soo baxo Al-Shabaab ku sheegay dhibaato dhexdooda ka jirto iyo midda shacabka Soomaaliyeed ay ku hayaan.

Sidoo kale, Cusmaan Abii Bakar ayaa baaq u diray saaxiibadiisa wali ku jira safka nabad-diidka in ay ka soo baxaan oo qeyb ka noqdaan ciidamada xoogga ee difaaca adag ugu jira sharafka iyo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyey shir looga hadlayay amniga Baladweyne

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Shirka amniga oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga iyo taliyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa looga hadlay qorshe sugan oo lagu xaqiijin karo amniga iyo xasilinta magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne.

Wasiirka Awqaafta XFS oo ka warbixiyay safar shaqo uu ku joogo dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble, oo safar shaqo ku jooga magaalada Isparta ee dalka Turkiga oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha socdaalkiisa ee wadankaas.

Wasiirka ayaa sheegay in magaalada Isbaarta (Isparta) uu kula kumay madaxda ugu sareysa hey’adda Waqful Kheyraad oo ku dhawaad 50-sano ka shaqeyneysay Acmaasha kheyriga ah ee kaalmeynta dadka tabaaleysan.

Wasiir Cumar ayaa sheegay inay madaxda hay’addaas hordhigeen warbixin ku saabsan dhibaatada ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya, isla markaana ka codsadeen in gargaar deg deg ah ay hey’addu u fidiso dadka iyo duunyada ay gobollada dalkeenna abaarta daran ku heysato.

Dhanka kale, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya waxa uu sheegay inuu booqday Madbacada 2-aad ee ugu weyn caalamka, taas oo daabacda Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, Madbacadaas ayaa ku taalla magaalada uu booqashada ku joogo ee Isparta.