Guddoomiyaha Gudidda Shaqaalaha Rayidka ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wasiir-dowlaha Arrimaha Dibedda oo booqasho ugu yimid

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane,Balal Maxamed Cusman ayaa maanta booqasho ku yimid Xarunta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiiru dowlaha ayaa waxaa Xarunta Guddiga kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane, Xasan Abshirow Maxamed iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga iyo howlwadeenada xafiisyadda, Booqashada Wasiirka ayaa ahayd inuu indha indheyn howlaha baaxadda leh ay haayaan guddiga qaranka ee Shaqaaalaha .

Wasiirka ayaa ku amaaney guddiga iyo howlwadeenada howsha adag ay bulshada u haayaan.

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Guddiga hirgelinta Maamulka doorashooyinka ee dowlad Goboleed Galmudug ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku qabtay doorashada Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraastan ayaa waxa ku tartamay muasharaxiin dhowr aha waxana kursiga koowaad ee Hop# HOP 138 kuwada tartamay Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Musharaxa kale Naciimo Xuseen Cali,waxan ku guuleeysatay Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame kadib markii ay tanaasushay Naciimo Xuseen Cali,Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo helay 86 cod

Kursiga labaad Hop#007 aya waxa ku wada tartamay Faarax Cabdi Diini iyo Maxamed Cabdi Cali, waxaana ku guuleeystay Faarax Cabdi Diini kadib markii uu tanaasulay masharaxii la tartamayay,xildhibaan Faarax Cabdi Diini ayaa waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay 76 oo ah dhamaan ergada goobta ku sugneyd

Kursiga Saddexaad ee doorashada Golaha Shacabka ayaa isna waxaa ku guuleeystay Cabdullaahi Adan Kulane oo helay cod gaarayo 101 ergada waxa dooraneysay kadib markii u tanasulay masharxii la tartamayay Xasan Cabdi Jaamac

Raysal Qorane Abshir ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#053 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Gargaarka XFS oo guddoontay deeq ka timid Dowladda Imaaraatka

Waxaan goor dhow soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Shaxnadii seddexaad oo ka timaada Dowladda Imaaraatka Carabta. Waxaana ka guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. taas oo loogu talagalay dadka ay Abaaraha ku Saameeyeen dalka.

“Dowladda Imaaraatka waxaan uga mahadceliyay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ka taagan” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Iyadoo ku soo aadayaan immaatinka deeqaha nooga immanayaan Dowladda Imaaraatka xilli abaaro ba’an ey ku dhufteen guud ahaan Soomaaliya.

Argagixisada Al-Shabaab oo qarax miino ku dishay afar qof oo shacab ah

Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe ayaa shegaya in argagixisada Al-Shabaab ay qarax Miino ku dishay afar qof oo shacab ah.

Qaraxa ayaa haleelay Mooto Bajaaj ay la socdeen afar qof oo rayid ah, xilli ay marayeen duleedka deegaanka Xaanshooley oo hoos taga magaalada Jowhar.

Dadka deegaanka waxay noo sheegeen in dadka dhintay oo dhammaantood rag ahaa ay ka ganacsa jireen hilibka Geela, isla markaana aad looga yaqaanay deegaanka.

Argagixisada ayaa si aan kala sooc laheyn waxay u beegsaneysaa dadka Soomaaliyeed shacab iyo masuul-ba, waxayna si dhuumaaleysi ah ugu aasaan miinooyinka, hadafkooduna waa inay dhibaateeyaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka

Dhuusamareeb-SONNA:-Maanta oo taariikhdu tahay 14-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#138 oo 2 musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:
1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

2- Naciimo Xuseen Cali

Waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Xuseen Cali waxaa ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame waxaana ogol ugu codeeyey 86 ergada kamid ah.

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#138 Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame oo helay 86 cod.

Wasaaradda Caafimaadka oo Tababar hogaaminta ku saabsan u furtay madax qeybeedyada iyo maareeyayaasha Mashaariicda

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo ay hoggaaminayso Dr Fawziya Abikar Nur ayaa maanta suutagalisay Tababar ku saabsan hoggaaminta shaqada oo loogu talagalay in lagu dhiso awoodda wadashqeynta kooxaha hoggaanka iyo horumarinta si ku dhisan wadashaqeyn, cadcadaan, daahfuran, is la xisaabtan, kalsooni, xiriir, iskaashi iyo hufnaan.

Tababarka ayaa loo qabtay Agaasimayaasha Waaxyaha, Madaxda Qeybaha iyo Madaxda Mashriicda Caafimaadka ee Wasaradda.

Tababarka ayaa lagu soo bandhigay tilmaamaha hoggaamiyaha guulaystay, fahamka shaqaalaha wax Soo saarka leh iyo kuwa ku sifooba waxqabad la’aanta; dhanka kale waxaa si faahfaahsan looga niqaashay xallinta khilaafaadka xili hore iyo in wax badan lagu gaaro wakhti kooban (Xeerka 80/20).

Guddiga hirgelinta doorashada Somaliland oo shaaciyay guddiga xulista ergada Doorashada 3-kursi

uddiga Maamulka Doorashooyinka Xildhibaanada Labada Aqal ee Somaliland ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada Doorashada sadexdii kursi ee u dambeeyay kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland oo guud ahaan gaaraya 46 kursi oo lagu dooranayay Muqdisho.

 

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Maareeye Ku-xigeenkii Tiyaatarka Qaranka Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) uu ahaa abwaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna, isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariim Faarax Jiir waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Ku-xigeen”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistii Mulaxinkii weynaa Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo maanta geeriyooday, wuxuuna si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii uu ka baxay, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Cabdikariin Jiir waxa uu ka mid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sameynta oo uu caan ku ahaa.

Madaxda Qaranka ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Mudane Asad Yusuf Qanyare, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mudane Najmudin Bilal.

Agaasimaha iyo Mudane Najmudin Bilal ayaa ka wada hadlay xoojinta adkeysiga iyo horumarinta isticmaalka nidaamyada dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dar dargaliyo mashaariicda horumarineed.

Madaxwweynaha maamulka Hirshabeelle oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta guddoomiyey kulanka guud ee golaha wasiirada maamulkaas.

Shirka golaha wasiirada ayaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan sugida amniga iyo xasilinta magaalada Beledweyne iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa wasiirka amniga gudaha ka dhageystay qorshe guud oo amniga lagu sugayo iyo halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale, golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa isla soo hadal qaaday abaaraha ka jira deegaanadaas iyo sida ugu haboon ee xal loogu heli karo.