Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wadda hadlay sidii dib loogu furi lahaa dhoofka xoolaha Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa maanta shir kula yeeshay xarunta Safaaradda Boqortooyada Sucuudiga ee Muqdisho danjiraha Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Almuwalad.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa ay kaga wada hadleen labada mas’uul xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Boqortooyada Sucuudigu ay dib ugu furi lahayd dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo in muddo ah hakad kujiray.

Wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah dhankan ganacsiga xoolaha iyo wax wada qabsiga labada dal, isla markaana ay dowladda soomaaliya diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato.

Danjire Axmed Bin Maxamed Almuwalad ayaa soo dhoweeyey in dib loo bilaabo dhoofka xoolaha Soomaaliyeed ee Boqortooyada sucuudiga, waxaa uuna rajo fiican ka muujiyey in sida ugu dhakhsaha badan ay u bilaabi doonaan.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey dedaal xoog leh ugu jiratay sidii dib loogu bilaaabi lahaa dhoofka xoolaha ee Boqortooyada sucuudiga.

Kulan looga hadlayay abaaraha oo lagu qabtay Baydhabo

Baydhabo- Guddiga gurmadka abaaraha koofur galbeed ayaa ku baaqay in si wadajir ah wax loogu qabto dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kusoo qulqulaya magaalada Baydhabo, ka dib kulan ay maanta la qaateen culimaa’udiinka iyo ganacsatada.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka, C/naasir Cabdi Caruush ayaa ganacsatada warbixin kasiiyay halka ay ku bixiyeen dhaqaalihii ay heleen iyo waxyaabaha u qorsheysan, wuxuuna xusay inay dhankooda ka shaqaynayaan sidii gurmad illaa heer tuulo ah loo gaarsiin lahaa dadka dhibaataysan.

Wuxuuna aad u ammaanay wasiirku isxilqaanka ay sameeyeen ganacsatada reer koofur galbeed iyo doorka lixaadka leh eey ka qaadanayaan gurmad u fidinta dadka ay abaartu waxyeelleysan.

Ugu dambayn wasiirka ayaa sheegay in xaaladda dadka ku dhaqan koofur galbeed ay sii adkaanayso marba marka ka dambaysa, wuxuuna dowladda dhexe, hay’adaha samafalka iyo beesha caalamka ugu baaqay in gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadka dhibaataysan.

Shir ku saabsan horumarinta degmooyinka Soomaaliya oo ka socda dalka Ruwaanda

Kigali- Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug mudane,Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Jimcaale ayaa magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda kaga qeyb galay shirka madasha guddoomiyeyaasha degmooyinka Soomaaliya ( Somali Mayors Forum ).

Shirkaan ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta 15 degmo oo ay guddoomiyaashoodu ka qeyb galayaan shirka madasha,waxaana soo qaban qaabiyay urur ay ku mideysan yihiin dowladaha hoose ee dalka Ruwanda oo kaashanaya hay,adda UNHABITAT/JPLG.

Maayarka degmada Gaalkacyo,Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa Shirka ka Jeediyay Khudbad uu kaga warbixiyay horumarka baaxadda leh ee ka socda magaalada Gaalkacyo ee iyo sida uu maamulku ugu baahan yahay garab istaagga hay’adaha iyo dowladaha hoose ee dalalka caalamka gaar ahaan iskaashi dhexmara dowladda hoose ee Gaalkacyo Galmudug iyo kuwa Dalka Ruwanda.

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ay dil ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo bishii Augost 2019 agagaarka tarabuunka ku toogtay marxuum, Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Maxkamadda ayaa doodo dheer ka dib maanta go’aan ka soo saartay dacwadda loo haysto eedeysanaha, iyadoo Xasan Maxamuud Dhiblaawe ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum, Maxamed Cawil Jaamac.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo horey u dilay muwaan kale

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dil ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo bishii Augost 2019 agagaarka tarabuunka ku toogtay marxuum, Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Maxkamadda ayaa doodo dheer ka dib maanta go’aan ka soo saartay dacwadda loo haysto eedeysanaha, iyadoo Xasan Maxamuud Dhiblaawe ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum, Maxamed Cawil Jaamac.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunsanaha iyo qareennadiisa siisay fursad ay ku dalban karaan racfaan.

Qaramada midoobay oo sheegtay inay ka walaacsantahay xiisada Ukaine oo sii kordhaysa

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si gooni gooni ah ula hadlay wasiiradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba, iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo colaadda Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay, madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda sii korortay iyo cabsida laga qabo isku dhac ka dhaca bariga Yurub.

Diblomaasiyadu waa habka kaliya ee masuulka ka ah, waxaan ku kalsoonahay in Qaramada Midoobay ay awood u leedahay oo ay tahay inay si firfircoon uga qayb qaadato dadaallada diblomaasiyadeed ee Ukraine iyo la-hawlgalayaasheeda si loo yareeyo xiisadaha, “ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya Ukraine mar uu ka hadlayey xiisadan taagan.

Wasaaradda gargaarka Soomaaliyo oo deeq raashin ah gaarsiiysay Baladweyne

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa deeq raashin ah oo cadad ahaan gaarayso 20 Tan gaarsiiysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka hiiran.

Gargaarkaan ayaa loogu talagalay dadka ay saameeysay abaaraha ee kajira Gobalka Hiiraan iyo dadka kusoo barakacay magaalada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga qaybiyo goobaha loogu tala galay.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gargaarka ku wareejisay Wasiirka Gargaarka ee Hirshabeele Xilibaan, Cabdi Mahad, wuxuuna uga  mahadciliyay Xukuumada Federaalka Soomaaliya deeqda ay gaarsiisay gobolka xilli ay baahi weyn u qabeen shacabka halkaasi ku dhaqan.

Xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in qaar kamid ah gargaarkii Dowladda Imaaradka Carabta ay gaarsiiyeen magaalada Beledweyne, inta karaankooda ahna ay ku dedaalayaan ka wasaarad ahaan in wax weyn laga qabto baahiyaha dadka ay waxyeellada kasoo gaartay abaarta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka HF oo loo magacaabay xoghaye cusub

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal mudane ,Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka Xoghayaha guud ee GHDHF u magacaabay mudane, Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam, halka uu xoghayihii hore mudane, Cabdishakuur Daa’uud Maxamed u magacaabay xubin ka mid ah guddi hoosaadka hawlgalka doorashooyinka.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo qaabbilay Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, Magatte Guisse.

Kulanka ayaa inta uu socday looga hadlay wada-shaqaynta iyo taageerrada shaqo abuur iyo farsamo ee qaxootiga dalka ku soo laabanaya iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.

“ Waxaan ku xoojinay kulankan sidii xasillooni dalka ay ugu heli lahaayeen muwaadiniinta ku soo laabanaya iyo kuwa abaaraha ay barakiciyeen, waa arrin naga go’an shaqo abuurka iyo helida xirfado ay ku shaqayn karaan dadkaas, taa ayaanna hoosta ka wada xariiqnay wakiilka UNHCR.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Mudane Magatte Guisse, wakiilka UNHCR ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in kulanka uu bilow u noqonaya xoojinta xiriirka gaar ahaan horumarinta fulinta qorshaha qaranka.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdi Axmed Qaasim, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, Guddoomiye Hay’adda Qaxootiga Qaranka Marwo Aamino Siciid Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo UNHCR.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka XFS oo ka qeyb gashay shir ay isugu yimaadeen haweenka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mwhrd XFS xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta ka qeybgashay shir ay isugu yimaadeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu xoojinayay ololaha u qareemidda iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% kuraasta harsan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Madasha oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Haweenka dowladda federaalka ayaa waxaa ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, guddoomiye ku xigeenka arrimaah bulshada maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir, wakiilo ka socday ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo mas’uuliyiin kale.