Maamulka Gobolka Banaadir iyo Safaaradda UK oo ka wada hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka

Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (jaketti) ayaa maanta kula kulantay Safaaradda UK ee Somaliya ku xigeenka safiirka UK ee Somalia Mr. Richard Slack.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka,  gaar ahaan dadka cusub ee Caasimadda soo gaaraya sidii ay Dowladda UK gacan uga geysan lahayd taakuleenta Dadkaasi.

Guddoomiye Basma iyo safiirka ayaa isla meel dhigay in la horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda UK uga caawin lahayd Dowladda Hoose ee Xamar horumarinta adeegyada Caafimaadka G.Banaadir

UNICEF oo ku dhawaaqday in dalalka Geeska Afrika (Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya) ay wajahayaan abaar daran

Warbixin ay soo saartay heya’adda UNICEF ayaa waxa looga digay khataro ka dhalan kara abaaro daran oo ay wajahayaan dalalka Soomaliya,Kenya iyo Itoobiya warbixinta ayaa si gaar ah uga digaysa khatarta ay wajahayaan shacabka Soomaaliyeed halkaas oo la qiyaasayo in 4 milyan oo qof ay u baahan yihiin cunto gargaar oo deg deg ah.

Heya’adda ayaa warbixinteeda ku xustay in caruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay shan sano ay wajahayaan xaalad nafaqa darro oo halis ah,2.6 milyan ayaa u baahan gargaar biyo oo deg deg ah ayaa lagu yiri warbixinta iyadoo la sheegay in tiradu intaas kasii badan karto hadii abaartu sii xumaato.

Afhayeenka heya’adda UNICEF Victor Chinyama,ayaa tilmaamay in qiimaha biyaha ay sare u kaceen 72% taasoo keentay in ay sare u kacaan cudurada ay ka mid tahay Jadeecada,sidoo kale in ka badan 60,000 oo qof ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurada shuban biyoodka iyo daacuunka, UNICEF waxa ay ku baaqday $48 milyan oo ay ku jiraan $ 7 milyan in si degdeg ah loo helo bisha Maarso si loo dalbado cunno iyo daawooyin.

Puntland ay shaaciyay Jadwalaka doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland ay shaaciyay Jadwalaka doorashada 16 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee lagu dooran doono Magaalada BOOSAASO, oo ah magaalada labaad ee deegaan doorashada Dawlad Gobaleedka Puntland.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga

Taliska ciidanka Booliska oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir

Afhayeenka Ciidanka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadalay goordhaw Warbaahinta ayaa ka warbixiyay weeraro ay koxaha argagixsada Al-shabaab xalay ay ku soo qadeeyn degmooyin kamid ah Gobalka Banaadir.

Afhayeenka ayaa sheegay in argagixisadu oka xun horumarka iyo dhismooyinka ka socda ay weeraro qaraxyo ah iyo dagaal toos ah ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska degmada Kaxda balsa ciidamada geesiyaasha qaranka Somaaliyed ee saldhiga ku sugnaa ay iska difaceen werarkasi,isagona tilamay in argagixisadii werarka soo qaaday oo u baxsatay dhanka Shabeellaha Hoose ay ku raad jogaan ciidamada dowlada kacantana lagu soo dhigi doono.

Afahayeenka ciidanka Booliska ayaa sidokale sheegay in weerar ku bilawaday Gaari laga soo buuxiyay waxyabaha qarxa uu ka dhacay xaafada Daaru-salaam ay ku geeriyoodeen laba oo dumar ah halka ay ku dhawacmeen 16-qof oo Shacab ah iyo saddex askari oo katirsan ciidamada dowalda

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la soo Af jaray mashruucii burcad badeeda ee badweynta Hindiya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee La-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021) ee Maarso 3, 2022.

Xeebaha Soomaaliya ayaa laga aaminsanaa meel halis ah iyadoo aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay halis dhanka nabad-geliyaha ah ay ka jirto isu socodka gaadiid Badda ee marin badeedka  Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arintan ayaa noqotay mashruuc la buun buuniyay oo Dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, ha se ahaatee maanta oo taariikhdu 15 February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suuragashay in gebi ahaanba la xiro mashruucan sumcad xumadda xambaasanaa muddada dheer.

Danjire Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa saacado ka hor Golaha Ammaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ka sheegay in guud ahaanba la joojiyay Mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena sidaas darteed shaqadda howlgal caalamiga ee loogu magacdaray La-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arimo kale oo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaa Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

Galmudug & Jubbaland oo soo saaray jadwalka doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska guddiga soo xulaya ergada dooraneysa 3-da kursi ee kala ah:

1 – HOP#147
2 – HOP#035
3 – HOP#055.

Doorashada 3-daan kursi ayaa Dhuusamareeb ka dhici doonta maalinta Khamiista ah ee 17-ka bishaan, sida lagu shaaciyey jadwalka uu soo saaray guddigaan.

Dhinaca kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 3 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Jubbaland.oo kala ah

1: Hop#023

2: Hop#132 o

3: Hop#092

Kuraastaan ayaa doorashadooda la qabanayo 17-ka Bishaan oo Khamiista ku beegan ayaa halka kursi oo kamid ah Dumar loo asteeyay.

Ra’iisul wasaare Rooble oo gurmadka abaaraha u magacaabay guddi ka kooban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta dalka ka jirta, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka looban Golaha Xukuumadda iyo qeybaha Bulshada.

Guddigan oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa waxa ay kala yihiin:

  1. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS
  2. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye : Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
  3. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  4. Mudane Jamaal Maxamed Xasan: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
  5. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
  6. Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  7. Mudane Cumar Cali Rooble: Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  8. Mudane Cabdicasiis Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
  9. Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiiru-dowlaha Tamarta iyo Biyaha
  10. Mudane Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka
  11. Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha
  12. Mudane Cabdullaahi Maxamed Shirwac
  13. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
  14. Mudane Sheekh Cabdulqaadir Soomow
  15. Mudane Sheekh Yuusuf Cali Ceynte
  16. Marwo Caasho Geelle Diiriye
  17. Marwo Aamino Xaaji Cilmi
  18. Marwo Caasho Shaacuur Ugaas
  19. Marwo Batuulo Axmed Gaballe
  20. Mudane Cabdi Axmed Baafo
  21. Mudane Cabdi Aadan Hoosow
  22. Mudane Dr.Maxamed Xaaji
  23. Mudane Aadan Ibraahim Aw Xirsi
  24. Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan
  25. .Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
  26. Mudane Khadar Ismaaciil Jimcaale
  27. Mudane Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur.
  28. Liibaan Cabdi Cali
  29. Amina Axmed Samatar
  30. Cali Maxamed Maxamuud
  31. Yaasmiin Cabdi Maxame
  32. Cabdi Ciise Diirshe
  33. Kamaal Daahir Guutaale

34.Shucayb Cabdullaahi Xasan

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Mudane Jeyhun Bayramov, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee labada Shacab iyo labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Guddiga maamulka doorashadda Hirshabeelle oo shaaciyey jadwalka doorashadda 6 kursi

Beled weyne- Guddiga maamulka doorashada ee dowlad goboleed ee Hirshabelle ayaa shaaciyey jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne ee dowlad gobolleedka Hirshabelle.

Bayaan goordhow lagu baahiyey baraha rasmiga ee guddiga doorashadda heer federaalka iyo heer dowlad gobolleed ee Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in 20-la bishaan la qabanayo doorashadda lix kursi oo laga soo dooranayo magaaladda Beledweyne, kuraastaan ayaa kamid kuraas dhawaan la soo bandhigay in la qabanayo doorashooda.

Wasaaradda waxbarashadda XFS oo daah furtay Barnaamijka tababarka Macalimiinta Soomaaliyeed

Wasiirka wasaaradda waxbarshadda, hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Abuukar Xaaji, (Cabdulaahi Carab), ayaa daah furay barnaamijka tababarka macalimiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashadda mudane Cabdiraxmaan Cabdule Jaabiri, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Mohamed Abbi Hassan, agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha waxbarshadda dowlad goboleedyada iyo bah-wadaagta waxbarshadda Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarshadda oo ka hadlay munaasabada daah furka ayaa sheeegay in muddo Sanada ah wasaaradda waxbarashadda oo kaashanaysa maamul goboleyada ay tababari doonaan in ka badan 2000 oo macalin, ku waasi oo hadda barayaal ka ah Dugsiyada dalka si kor loogu qaado tayada waxbarashada dalka, aqoonta iyo xirfada macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Hey’adda Care International iyo Sanduuqa Iskaashiga waxbarshadda Caalamiga ah (GPE), garab istaagooda horumarinta Waxbarshadda Soomaaliya.