Magaalada Baraawe oo maanta lagu doortay toddoba xildhibaan oo ka tirsan BFS

Baraawe- Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed ayaa maanta lag u doortay toddoba xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka aqalka hoose ee Soomaaliya.

Xubnaha maanta kasoo baxay magaalada Baraawe ayaa waxaa ka mid ah, xildhibaan, Cali Siciid Fiqi oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka koofur galbeed,  Aweys Maxamed Cumar , Nuuracayn Khaliif sheekh Abuu, Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) , Muqtaar Axmed Xasan iyo Xamza Saciid Xamza.

Dhuusamareeb oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid ah BFS

Dhuusamareeb- Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka Galmudug ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanadaayaasha maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb ayaa kala ah, xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo horay ugu fadhiyay kursiga uu ku guuleystay ee Hop#147 , mudane Maxamed Xuseen Abuukar iyo xildhibaan, Cumar Cali Cabdi .

Samareeb oo saddex xildhibaan lagu doortay

Waxaa goordhow magaalada samareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu soo gabagabeeyay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka dowlad goboleedka Galmudug ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanadaayaasha maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Samareeb ayaa kala ah, xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo horay ugu fadhiyay kursiga uu ku guuleystay ee Hop#147 , mudane Maxamed Xuseen Abuukar iyo xildhibaan, Cumar Cali Cabdi .

Israa’iil oo duqeysay koofurta caasimadda Dimishiq

Ciidamada Yuhuuda ayaa dhowr gantaal oo dhulka laga hago ku tuuray koonfurta Dimishiq ee caasimadda Suuriya, kuwaasoo lala beegsaday goobo muhiim ah halkaasi ku yaala sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda Suuriya ee SANA.

Duqeynta ayaa fiidnimadii Arbacada ku dhufatay magaalo ku taal koonfurta magaalada Dimishiq, halkaasoo ay ka geysteen khasaare nafeed.

Waa markii labaad oo ay Israa’iil duqaymo ka geysato Suuriya bishan, kaddib markii ay 9-kii bishii February la beegsatay gentaalada lidka diyaaradaha, taasoo jawaab u ahayd waxa ay ku sheegtay gantaal laga soo riday dhanka Suuriya.

Askari Suuriyaan ah ayaa lagu dilay shan kalana waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay meel u dhow Dimishiq horaantii bishan.

“Cadowga Israa’iil ayaa qaaday weerar dhowr gantaal oo ka yimid buuraha Golan ee ay Israa’iil xoog ku wareegtay, iyagoo beegsaday magaalada Zakiya abbaaraha 11:35pm, SANA ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo milateri.

Koox la socota xaaladda Suuriya oo fadhigeedu yahay dalka UK ayaa sheegay in bartilmaameedka duqeynta Arbacadii uu ahaa goob ay ku sugnaayeen ciidamada Suuriya.

“Duqeymaha ayaa lala beegsaday saldhig ciidanka dowladda,” sidaa waxaa sheegay Rami Abdel Rahman, oo madaxa kooxda la socota xaaladda xuquuqda aadanaha ee Suuriya, oo u waramay wakaaladda wararka ee AFP.

Kooxdan fadhigeedu yahay UK waxay shabakad ballaaran gudaha Suuriya.

Israa’iil ayaa boqolaal weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha qaybaha ay dowladdu ka taliso ee Suuriya tobankii sano ee la soo dhaafay ee dagaalka Suuriya, laakiin dowladeeda ayaa dhif ah in ay qirato ama ka hadasho howlgalladaas.

Israa’iil oo weeraradeeda lala beegsaday xarumaha dawladda iyo sidoo kale ciidamada Iran ay taageerto iyo dagaalyahannada dhaqdhaqaaqa shiicada hubaysan ee Xisbullah, iyadoo ku andacoonaysa inay doonayso inay ka hortagto cadawgeeda weyn ee Iran isku fidiso dalka Suuriya oo ay dariska yihiin.

Mahad Salaad oo mar kale ka mid noqonaya Golaha Shacabka

Mahad Maxamed Salaad ayaa saaka mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP147 isagoo heley 101 cod ka dib markii ay tanaasushay murashaxii ka tartamayay, sida uu shaaciyay guddiga maamulka doorashada Galmudug.

Xildhibaan Mahad ayaa markii sadexaad kamid noqonaya xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

 

Galmudug iyo Muqdisho oo maanta lagu dooranayo toban xildhibaan

Waxaa maanta oo Khamiis ah ka billowday magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb doorashada qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa inay ku qabsoonto doorashada toddoba kursi oo Baarlamaanka Soomaaliya ku meteli doona gobollada waqooyi ee Soomaaliland.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maanta kasoo baxdo Saddex xildhibaan oo maamulka Galmudug ku matelaya Baarlamanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay wefdi ka socday hey’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay

Dhuusamareeb- Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay, gaar ahaan hey’adda Socdaalka ee (IMO).

Kulanka ayaa waxaa madaxwaynaha ku wehliyay Wasiiru dowlada madaxtooyada, agaasimaha guud ee madaxtooyada, wasiirka Wasaaradda Deegaanka, isbadalka cilimada iyo hormarinta reer Miyiga. Madaxwaynaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xaaladda abaaraha iyo saameenta ay ku yeesheen deegaanada Galmudug oo ay abaartu ka jirto.

Booqashada wafdiga ka socda hey’adda IMO ayaa salka ku haya mashruuc ay ka fulinayaan Galmudug, waxaana mashruucan uu yahay mid wax ka qabanaya arimaha deegaanka iyo biyo la’aanta soo food saartay dadka k unool miyiga deegaanada Galmudug.

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo dhaweeyay mashruucan, waxana hey’adda IMO uu ku booriyay laba jibaarista mashaariicda noocaan ah, kuwaas oo wax looga qabanayo abaarta ballaaran ee ku dhufatay Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Galmudug.

Kadib markii uu soo idlaaday kulanka madaxwaynaha iyo saraakiisha ka socotay hay’dda IOM, ayaa booqday madaxtooyada cusub ee Galmudug oo mareysa heer gebo gebo ah.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib  falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baraawe

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanata degmada Baraawe ku qabtay doorashada Todoba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo kamid ahaa 13-kii kursi ee ugu dambeeya ee doorashadooda lagu qabanayomagaalada Baraawe.

1:Maxamuud Axmed Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.

2:isaaq Maxamed Maxamuud ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163 ee Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 86-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Cismaan Ibraahim uu heley 10-cod afar Cod ayaa  halaabay

 

3:Ali Shekh Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo heley codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu heley 11-cod.

4:Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod.

5: calwiya Siid Cabdulaahi ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-148 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS iyadoo heshay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir ay heshay 10-cod

6: Maxamed Cusmaan Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162 ee Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Daliib Xasan uu heley 17-cod  afar codna way halawaday

7:Maxamed Cabdala Axmed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 76-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdulaahi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooranayaa 6 kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi.

 

Guddiga Doorashada Galmudug oo qabatay Doorashada Kursiga ka dhimanaa aqalka sare

Guddiga Doorashada Galmudug iyo Guddiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug waxay qabteen Doorashada Kursiga ka dhimanaa aqalka sare ee Galmudug, kursigaan waxaa  isku diiwaangeliyey 2 musharax oo kala ah:

1- Farxaan Cali Maxamuud

2-  Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed

Inta aan doorashada bilaaban waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, kadibna waxaa Baarlamaanka Galmudug hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Farxaan Cali Maxamuud waxaana ogol ugu codeeyey 80 xildhibaan oo ah dhamaan kooramka Baarlamaanku ku furmay.

 

Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursiga aqalka sare  Farxaan Cali Maxamuud oo helay 80 cod..