Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga oo shaaciyay odayaasha soo xulaya Ergada

Guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga ayaa shaaciyay Odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee soo xuli doonta Xildhibaanada beellaha Banaadiriga.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka beellaha Banaadiriga Sacdiyo Cali Boloy, ayaa sheegtay in doorashada ay dhici doonto maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Shanta xubnood ee beellaha Banaadiriga ayaa la wada dooran doonnaa hal maalin.

Wasiirka gargaarka maamulka Jubbaland oo la kulmay wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay  wakiilka hay’adda WFP ee Soomaaliya Elkhidir Daluum.

Wasiirka iyo Elkhidir Daluum ayaa ka wada hadlay abaaraha ba’an ee ka jira deegaanada jubbaland iyo sidii hay’adda WFP gacan weyn ugu geysan lahayd gurmad deg deg ah oo loo sameeyo dadka ay abaarta saameysay.

Sidoo kale, wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa hoosta ka xariiqay in si gaar ah diirada loogu saaray kulanka xoojinta iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Elkhidir Daluum ayaa dhankiisa balan qaaday taageero deg deg ah in ay siinayaan qoysaska ay abaartu saameysay iyo ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

Ciidamada Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Jubbada hoose+Sawirro

Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ayaa howlgal lagu baacsanayay maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Intii hawlgalku socday ayey ciidamadu waxay cagta mariyeen sida ay sheegeen Saraakiishii Hogaamineysay Ciidamada goobo ay ku dhumalaysanayeen Al-Shabaab oo ku taala Waraha Buur Qaylo.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas nabad-diidka looga dilay afar maleeshiyo iyo dhaawaca lix xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, wuxuuna howlgalka yimid ka dib qeylo dhaan ka timid dadka deegaanka oo xoolo dhaqato u badan oo u adkeysan waayay dhibaatada argagixisada.

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay xildhibaanada cusub ee maanta la doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanada cusub ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadan oo kala ah, Nasro Mahdi Caraale, Saadaq Cabdullahi Cabdi, iyo Cadar xareed jibriil ayaa kamid noqonaya Xildhibaanada golaha shacabka ee BJFS.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyey Xildhibaanadan la doortay ee kamid noqonaya golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS. Waxaa Madaxweynahu uu kula dardaarmay ka shaqeeynta midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga shaqeeyn lahaa samatabixinta dalka.

Muuqaalka xeebta Liido oo soo jiitay boqolaal dadweyne ah

Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maanta oo jimco ah u dalxiistagay xeebta Liido oo muuqaal ahaan ka duwan sideey aheyd todobaadyadii hore.

Boqolaal dadweyne ah oo maanta u dalxiistagay xeebta Liido ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin waqtiga qaaliga ah ee manta oo Jimco ah ay ku bixinayaan xeebtaasi oo bilihii u dambeeyay ay ka socdeen olole nadaafadeed.

Dhinaca kale,kooxo dhallinyaro ah oo isxilqaamay ayaa ilaa hadda wada olole nadaafadeed oo lagu qaadayo qashinka iyo wasaqda kale ee lagu daadiyo xeebta.

Dhuusamareeb oo lagu qabtay Xaflad taageero ah oo loo sameeyay Xildhibaan Mahad Salaad

Munaasabad lagu taageerayay Xildhibaan Mahad Salaad oo shalay loo doortay mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa manta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee ghobolka Mudug.

Xafladdaasi waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah maaulka Galmudug.kan degmada Dhuusamareeb iyo dadweyne ka kala socday qeybaha ururada bulshada.

Kismaayo oo maanta lagu doortay saddex xildhibaan

Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu qabtay doorashada saddex xildhibaan oo maamulka Jubbaland ku matali doona Baarlamanka 11-aad ee Soomaaliya.

Mudanadaayaasha maanta kusoo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa kala ah, xildhibaan Nasro Mahdi Caraale oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#023 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo.

2- Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#092 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo iyo

3- Cadar Xareed Jibriil oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#132 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo.

Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ka wadahadlay horumarinta danaha labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka ah, Mudane Cabdul Saciid Muuse Cali oo ka qeyb-galaya Shir-madaxeedka Afrika iyo Yurub ayaa kulan muhiim ah Magaalada Brussels kula yeeshay madaxweynaha dalka Tansaaniya Samia Hassan .

Kulanka labada dhinac ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo diblomaasiyadda, iyo is dhaafsiga fikradaha ama arrimaha khuseeya Geeska Afrika.

Shirweymahaam oo ah kal-fadhiga lixaad ee shir-madaxeedka iskaashiga Afrika iyo Yurub,ayaa la filayaa in uu soo gabagaboobo manta,iyadoo si guud looha hadlaayo arrimo la xiriira xoojinta wada shaqeynta ee dhinacyadaasi.

Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Ha’yadda Tiyaatarka Carabta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abubakar Dubbe iyo xoghayaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada Carabta mudane Ismaaciil Cabdullaahi ayaa kala saxiixday heshiis is af-garad ah.

Heshiskaan is-afgaradka ah ayaa yimid kadib xiriir xoog leh oo dhax maray labada dhinac bilihii lasoo dhaafay, waxayna qeyb ka tahay fulinta istaraatiijiyadda shaqo ee ay ku doonayaan inay ku horumariyaan tiyaatarada wadamada Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cismaan Abubakar Dubbe, ayaa mahad-celin iyo bogaadin u soo jeediyay Sheekh Dr. Suldaan bin Maxamed Al Qaasimi, oo ah Xaakimka Shaariqa kaas oo hormarinta tiyaaraada ka dhigay mashruuciisa taariikhiga ah.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay dhaqan iyo hiddo wanaaagsan oo la jaan qaadi kara dhaqamada kale ee Carabta.

Xoghayaha Guud ee Golaha Murtida iyo madadaalada Carabta Ismaaciil Cabdullaahi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay is afgaradkaan iyo munaasabadan muhiimka u ah labada dhinac si looga wada sahqeeyo hormainta tiyaatarka Soomaaliya oo taariikh weyn ku leh bulshada carabta .

Heshiiskan is-afgaradka ayaa dhiirigalinayaa samaynta kooxaha masrixiyadda iyo bandhig faneedka guud ahaan gobolada Soomaaliya waxaana laga caawin doona aqoonta la xariirta fanka iyo wax soo bandhigidda.

Kulanka lagu kala saxiixday is af-garadka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Wasaaradda Gargaarka XFS oo deeq raashin ah gaarsiiysay Dhuusamareeb

Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta  masiiboyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa deeq raashin ah oo loogu talagaley 216 qoys oo ah dadka Abaaruha saameeyeen soo gaarsiisay  magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.Gargaarkaan ayaa loogu talagalay dadka ay saameeyeen  Abaaraha baahsan ee kajira gobalada dalka, gaar ahaan deegaanada Galmudug .

Shukri Maxamuud Afrax, Wasiiru-Dowlaha  tamarta iyo biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo qeyb ka ah guddiga gurmadka Abaaraha dalka ayaa ku wareejisay deeqdan Wasaaradda Gargaarka Galmudug . Wasiirka Gargaarka Galmudug oo la wareegay deeqdan ayaa isna ku wareejiyay maamulka dhuusamareeb oo uu wakiil u ahaa Agaasimaha arrimaha bulshada Mudane Yaxye Maxamed Daahir.

Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug Faadumo Faandhe oo qeyb ka aheyd Mas’uuliyiinta goobjooga ka aheyd la wareegida Gargaarkan ka yimid Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kaalmadani aysan ku filney dadka reer Galmudug.