Xafiiska Hantidhowrka oo Sharci daro ku tilmaamay Heshiiska Wasaaradda Batroolka ay la gashay shirkadda Coastline

Lifaaqa hoose ka dheeho war-saxaafadeed uu Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka kasoo saaray heshiiska sharci darrada ah ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay la gashay shirkadda Coastline Exploration Ltd.

Xafiiska ayaa Wasaaradda iyo hay’adaha ay khusayso ogaysiiyay in uu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan isaga oo gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado ciddii ku lugta lahayd.

Sidoo kale Xafiiska ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS kula taliyay in shaqa ka joojin deg-deg ah lagu sameeyo dhammaan shaqsiyaadkii qabyta ka ahaa saxiixa heshiiska.

Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland oo la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland

Madaxwayne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaysatay Guddiga Abaaraha ee Dowlad Goboleedka Puntland, oo soo bandhigay qorshahooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha ee saamaysay shacabka Puntland si gaar ah dadka xoola dhaqatada ah.

Ugu danbayn Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladu ay u diyaar garowdo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha, isaga oo xusay in Goleyaasha Dowladdu ay mushaharaadkooda qayb ugu deeqi doonaan dadka Abaaruhu saaameeyeen si gurmad deg deg ah loogu fidiyo, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa faray in Hay’addaha ku hawlaan arrintan oo ay dar-dar geliyaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka yo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Duraan Faarax ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Wakiilka Midowga Afrka ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Wasiirka iyo Francisco Madeira ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa amniga Garoonka diyaaradaha Adan Cabdulle iyo dadjinta dhismaha Parkin-ka gaadiidka oo uu dhawaan wasiirka ka dhagax dhigay gudaha Garoonka.

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyey in lagala wareegay Barihii Bulshada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ayaa markale shaaciyey in lagala wareegay gacan ku heynta maamulka Barihii Bulshada ee uu isticmaalayey guddiga, sida Website-ka, Facebook-ga iyo Twitter-ka.

Warqad kasoo baxday guddiga, isla-markaana uu ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku wargelinayo inta daneyneysa doorashada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in lagala wareegay Barihii Bulshada ee guddiga.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in tani ay muujineyso mas’uuliyad darro aad u weyn iyo tallaabooyin lagu carqaladeynayo hannaanka doorashada.

“Tallaabada lagula wareegay dhammaan baraha bulshada guddiga waxa ay muujineysaa mas’uuliyad darrada iyo carqaladeynta lagu haayo doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa intaasi kusii daraya ” Haddaba waxaan caddeyneynaa in wixii lasoo geliyo inta dib loo soo celinayo ay yihiin waxba kama jiraan,”.

Ugu dambeyn Guddiga Doorashada Dadban ayaa shaaca ka qaaday in haatn wixii ka dambeeya macluumaadka doorashada uu ku soo gudbin doono shirar jaraa’id & wareysiyo.

“Xogaha doorashada waxaan kusoo gudbin doonaa shirar jaraa’iid, wareysiyo iyo wixii la mid ah,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashooyinka Dalka.

Qoraalkan waxaa si wadajir u soo saaray guddoomiyaha guddiga Muuse Geelle, Mowliid Mataan Salaad oo ah guddoomiye  ku xigeenka guddiga & Cabdikariin Cabdicasiis Aadan oo ah xoghayaha Guddiga Doorashooyinka, waxayna taasi muujineysaa in guddiga dhexdiisa ay jirto kala qeybsanaan u dhexeysa xubnaha Guddiga FEIT ee doorashooyinka dalka.

Wasiiradda Arrimaha dibedda Dalalka Iran iyo Jarmalka oo ka wada hadlay heshiiska Nuclear-ka

Wasiirrada arrimaha dibadda  Jarmalka iyo Iran ayaa ka wada hadlay heshiiska nukliyeerka iyo sidoo kale arrimaha labada dal, gobolka iyo caalamka, kulan ay ku yeesheen magaalada Munich sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Hossein Amir-Abdollahian ayaa u sheegay dhiggiisa Jarmalka Annalena Baerbock in Iran ay weli ka go’an tahay inay heshiis ka gaadho wada xaajoodyada ka dhacaya Vienna haddii la ixtiraamo khadadka cas ee dalka iyo dalabaadka sharciga ah ee ay buuxiyaan dhinacyada kale, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka Baerbock dhankeeda sheegtay in wadahadalada marayaan meel xasaasi ah iyo in dhammaan dhinacyada looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii ay marxaladdan uga gudbi lahaayeen wakhtiga ugu yar ee suurtogalka ah oo ay furaan cutub cusub.

afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price ayaa Arbacadii sheegay sheegay in wadahadaladu marayaan heer gabogabo ah.

Guddiga doorashada Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada 5-kursi

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah 43-da kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland oo kuraas cusub shaaciyey.

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa shaaciyay Jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad kuwaasi deegaan doorashadooda tahay  Jubbaland.

Ra’iisal wasaare Rooble” “Heshiiska shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Batroolka waa mid sharci darro ah”

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay afar ka tirsanaa argagixisada iyo horjoogahoodii

Ciidamada kumaandooska Danab ee xoogga dalka oo ay weheliyaan ciidamada Nabad sugida Jubbaland ayaa howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan oo si gaar ah looga fuliyay deegaanada kala ah Muduloow, Buulo-hareeri iyo dhanlojo ayaa lagu dilay 4-maleeshiyo oo uu ku jiro horjoogihii argagixisada iyo dhaawaca 7-xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan.

Sidoo kale, Howlgalka waxaa lagu bur buriyay goobo gambaad ay ka dhiganayeen argagixisada oo ay dadka shacabka ah oo u badan xoolo dhaqato ku dhibaateyn jireen.

Kumaandooska Danab Waxaa Ka go’an ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah.

Faah faahino ka soo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Baladweyne

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii halige ah, kaas oo ka dhacay maqaayadda Baar Xasan Dhiif oo ku taalo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana jira waxyeelo soo gaartay mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.

Dadka dhaawacmay ah ayaa la gaarsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Baladweyne, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.