Jubbaland oo shaacisay in Abaarta ugu daran ay kajirto degaanada Maamulkasi

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa hab maqal iyo muuqaal ah kaga qeybgalay shir Weynaha Qaran ee gurmadka abaaraha oo lagaga hadlayay tageerada dadka ay saamaysay abaarta ka jirta dalka.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Jubaland ay kamid tahay meelaha abaarta ugu daran ay ka jirto gaar ahaan dhulka la fog wabiga Jubba kuwaas oo gargaar deg deg ah u baahan isla markana Dowlada Jubaland ay gurmadka wado balse loo baahan yahay taakulo dheeraad ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in gurmadka beesha caalamka uu mar walba yahay Mid soo daaha oo si joogto ah aan uga jawaabi Karin baahiyaha deg dega ah sidaas darteedna loo baahan yahay in soomaalidu ay isku tashato oo Ganacsatada, Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo cid walba oo wax awooda ay ka qeyb qaadato gurmadka socda.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noq noqday ay u baahan yihiin xal waara oo loo sameeyo bulshooyinka xoolo dhaqato beeraleeyda ah ee jiinka wabiyada iyo dhulka ka fog ilaha biyaha ku nool kuwaas oo sanadka wakhti kamid ah wajaha fatahaado halka wakhtiyada qaara ay lasoo daristo abaar aad u dara

 

Wasiirka Gaadiidka XFS & Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay iskashi la xiriira duulimaadyada

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawaldda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi,

Wasiirka iyo Danjiraha kawada hadleen iskaashiga ka dhexeeeya Dawladdaha Talyaaniga iyo Soomaliya sidii loosii xoojin lahaa gaar ahaana dhanka duulimaadyadda.

Ugu horayn Danjire Alberto Vecchi ayaa Wasiir Duran Axmed Faarax warbixin ka siiyay hawlaha horumarinta duulimaadyadda Soomaaliya ee dawladda Talyaaniga gacanta ka gaysato.waxaa uu sheegay in dawladda Talyaaniga ay ku faraxsan tahay wada shaqaynteeda wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda dawladda Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka XFS ayaa uga mahad celiyay dawladda talyaaniga iskaashigeeda ay la leedahay wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka ah,

Ugu dambayn Wasiirka ayaa sheegay in Hay,adaha Talyaaniga ee wada shaqaynta la leh Hay’adda duulita rayidka uu ku faraxsan yahay sida ay wada shaqaynayaan, waxaana hay’adahaas ay ka caawiyaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed siiso SCAA.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo diiradda lagu saarayo sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta ba’an ee dalka ka jira.

Shirka waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowald-goboleedyada, Midowga Musharixiinta , siyaasiyiin iyo qeybaha kale duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Culimaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada, Odayaasha dhaqanka, bahda waxbarashada, waxaana ujeedkiisu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed uga qeyb qaadan lahaa gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Amray baarista heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleeymaan Maxamed Maxamuud  ayaa amar ku bixiyay in la baaro heshiiskii shidaalka ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed, kaas oo uu ka horyimd Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayuu ku sheegay in uu xeer ilaaliyaal u Magacaabay si baaris loogu sameeyo talaabada ku haboona loo qaado heshiiskii shidaalka ee
uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, iyada oo laga ambaqaadayo baaritaankii hordhaca ahaa ee uu sameeyay Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Ray’iisul wasaarah XFS oo ka hor yimid heshiiskas ayaa amray in baaritaano lagu sameeyo heshiiskasi isagona  hantidhowraha Qaranka iyo xeer ilaalinta  faray in baaris rasmi ah lagu sameeyo heshiiska shidaal ee uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka XFS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada Gobollada Woqooyi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.

 

Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Muqdisho

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta labada Aqal ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta qatay doorashada Saddexdii kursi ee ugu dambeeya 46 kursi ee Golaha Shacabka ku matalayo degaanada Gobolada Waqooyi.

Kursiga ugu horeyay Hop#243 ayaa  waxa ku guuleystay Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay xildhibaan Samsam oo heshay 98 Cod waxaana ka aamusay laba qof

Kursiga labaad Hop#206  ee golaha shacabka BJFS  ayaa isna waxaa ku guuleystay Maxamed Ibraahim Cabdi kaa oo doorashadiisa maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleysatay kursiga Saddexada ee Hop#259 ee Golaha Shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ayaa noqonaya gudigii ugu horeeyya ee doorashada kusoo gabagabeeyay mudada 45 maalmood ee loo qabtay jadwalkii ugu dambeeyay oo ay wada gaareen golaha wadatashiga qaranka

Xildhibaan Samsam Muxumed Cumar oo ku guuleysatay kursiga 243 ee Gobolada Waqooyi

Guddiga Maamulka Doorashada Xildhibaanada Kuraasta Labada Aqal ee Somaliland SEIT ayaa qabtay tartanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#243

Musharixiinta ku tartamay waxay kala ahaayeen

  1. Musharax xildhibaan , marwo Samsam Muxumed Cumar
  2. Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim

Musharax Xildhibaan Marwo Dallays Cali ibraahim  ayaa ka tanaasushay tartanka Doorashada.

Musharax marwo Samsam Muxumed Cumar ayaa loo qaaday codka kalsoonida ee ergada oo ay soo xaadireen 100 Ergay, waxa ayna heshay 98 cod, waxa ka aamustay 2 qof .

Sidaa daraadeed natiijada hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#243

Samsam Muxumed cumar

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabanaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka JFS mudane  Xasan Xuseen Xaaji, ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxabanaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa. Wasiirka waxaa wehliyay qaar ka mid lataliyaasha sare ee wasaaradd. Shirka waxaa diirada lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa sare u qaadida hufnaanta la-dagaalanka Musuq-maasuqa. meeshana looga saari lahaa madmadowga jira.

Waxaa la isla gartey in la bilaabo fulinta heshiisyadii ay Dowladda Soomaaliya dhawaan ku biirtey sida kan Midowga Carabta, Midowga Afrika iyo sidoo kale kan Qaramada Midoobey ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo dardar gelinta Istaraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuqa, xaqiijinta Dowlad wanaagga, sare u qaadidda Hufnaanta iyo xoojinta kalsoonida ay ku qabaan muwaaddiniinta dowladnimada Soomaaliyeed,Waxana si guul ah ugu kusoo idlaadey kulanka oo noqon doona mid joogto ah.

Doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Golaha Shacabka oo maanta la soo gabagabeynayo

Guddiga doorahsooyinka gobollada waqooyi ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabagabeynayaan doorashada kuraasta golaha shacabka ee barlamaanka 11-aad oo heer gabagabo ah soo gaartay.

Guddiga ayaa saakay qabanaya doorashada seddaxda kursi ee ugu dambeysa xubnaha reer waqooyiga, kuwaas oo ka kooban 46 kursi oo golaha shacabka ah.

Guddigaan ayaa horay u soo gaba-gabeeyey doorashada 11-kursi oo gobollada waqooyi ka soo galay golaha Aqalka Sare.

Guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa qorsheynaya in doorashada kuraastaas uu kusoo gabagabeeyo mudadii lagu balamay ee 45 cisho aheyd, taas oo galaha wadatashiga qaranka ay u asteeyeen in lagu soo afjaro doorashada dhammaan xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo (warbixin)

Shucuubta dowladaha caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee Afafka Dunida.

Maalintaan  caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan kala duwanaanshaha xagga  luqadaha , dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta  afafka oo dhan.

Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey’adda UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday Sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan  lagu aqoonsanaayo maalintaasi

Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada

Haddaba, Dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin qaramada moidoobay ay u asteysan xuskaasi.

Waa maxay afka ama luqad?

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga  iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Marka loo eego taariikhda soo jireenka ah iyo keydadka qoraalada ee dunida, Waxay na barayaan in xilli hore dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid is-dhexgalba la lahaayeen dalal ka mid ah caalamka,gaar ahaan kuwa carabta oo aan wadaagno dhaqan ahaan iyo diin ahaanba .

Waxaa dhab ah in barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran afka carabiga ay suurtagaliyeen horumar kale ee loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka ereyo badan oo carbeed oo noqday kuwo ku miilmay Afka Soomaliga

Dhinaca kale,barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka,gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub, waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii iftiinkii xornimada Soomaaliya.

In la qqoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.

Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qab-qabsi u dhexeeyay guddigaasi,kaas oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha  farta ee la qaadanaayo.

Guddigaasi loo magacaabay qoraalka Farta,waxay kala ahaayeen;-

1-Muuse Xaaji Ismaacil Galaal-Guddoomiye.2-Yuusuf Maygaag Samatar-Xog-heyn.3-Xusein Sheekh Axmed (Kaddare).4-Yaasiin Cismaan Yuusuf.5-Maxamuud Saalax (Ladane.6-Ibraahim Xaashi Maxamuud.7-Mustaf Sheikh Xasan.8-Shire Jaamac Ahmed.iyo 9-Khaliif Suudi

Markii labaad, sanadkii 1971-dii waxaa  la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana guddigaasi ay soo bandhigeen 18-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale

Guddigaasi labaad waxay isugu jireen abwaanno,macalimiin iyo  aqoonyahanno kalewaxayna kala ahaayeen:-

1-Shariif Saalax Maxamed Cali.2-Yaasiin Cismaan Kenadiid.3-Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.4-Xusein Sheikh Ahmed Kaddare.5-Aw Jaamac Cumar Ciise.6-C/laahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya).7-Maxamed Xaaji Xusein Sheeko Xariir.8- Mustaf Sheikh Hasan.9-Ahmed Ali Abokar.10-Yuusuf Xirsi Axmed.11-Cabdi Daahir Afeey.12-Cabdulaahi Xaaji Abuubakar.13-Cabdullaahi Ardeeye.14-Xasan Sheekh Muumin.15-Maxamed Nuur Caalin .16-Maxamed Xasan Aadan (Gaheyre).17-Xirsi Magan Ciise.18-Cumar Aw Nuux.19-Axmed Cartan Xaange.20-Cabdirahmaan Nuur Xirsi.21-Shire Jaamah Ahmed

Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran Afka Somaaliga,iyadoo isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.

21-kii  Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, waxaana  la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.

Inkastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay dib u dhac xoogan oo ku yimid  manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana, Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.

Waxaa xaqiiqo ah in xilligii berisamaadka  ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo  Waxbarashada.

Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.

Qoraalka Farta waa nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah mas’uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta in uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.

Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la’aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon waxbarashoo oo tayeysan.

Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka, isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah  nidaanka kaliya ee lagu ilaalin karo in uusan dabar go’in Afka Hooyo.

Gabagabadii anagoo ka faa’ideysaneyna maalinta 21-ka Febraayo ee afka hooyo, ,waxaan hambalyo u direynaa shucuubta dunida,gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed,waxaanna u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale  ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye