Wasiirka Gaadiidka iyo duqa Muqdisho oo ka wada hadlay horumarinta garoonka diyaaradaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar kulan kula qaatay Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee XFS Soomaaliya , Mudane Durraan Axmed Faarax iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulankan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho gaar ahaan in gegida loo sameeyo qeyb gaadiidka la dhigto iyo sidoo kale in laga taxaddaro dhibaatada ka dhalan karta taawarrada dhaadheer ee madaarka hareerahiisa ku yaalla.

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wada hadlay qorshaha horumarinta qaranka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda qorsheynta Qaranka XFS, Mudane Asad Yusuf oo ay wehliyaan Agaasimaha hay’adda tirakoobka Qaranka, Mudane Sharma’rake Faarax iyo Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, ayaa kulan la qaatay Santa Molè, oo ah Agaasimaha hay’adda Iskaashiga ee iyo horumarinta Talyaaniga.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen Istiraatijiyadda horumarineed ee Talyaandhiga, iyagoo diiradda si gaara u saaray Isticmaalka nidaamyada dalka (UCS), la jaanqaadidda qorshaha horumarinta Qaranka NDP9 , hannaanka qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta ee sida wadajirka loo fulinayo.

Sidoo kale waxay isku raaceen mas’uuliyiintu dar-dargalinta  xiriirka horumarineed ee ka dhaxeya labada dhinac ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Doorashada Shan kursi oo maanta lagu doortay magaalada Kismaayoc

Kismaayo- Waxaa Magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay maanta doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Xildhibaannada kusoo baxday doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa kala ah, Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) , Mowliid Cabdi Maxamuud, Cabdulqaadir Maxamed Waceys, iyo Cumar Yuusuf Qaladdiid.

Xuska sanad-guurada 52-aad ee Ciidanka Asluubta oo maanta laga xusay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayay sanad guurada 52-aad ee kasoo wareegatay markii la asaasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Janaraal, Mahad Cabdiraxmaan Aaden taliyaha ciidanka Asluubta oo munaasabadda ka hadlay ayaa salaam iyo hambalyo uu u diray saraakiisha, s/xigeennada , debleyda ciidanka Asluubta iyo xaasaskooda ka dib sheegay in xuskan mid la mid ah uu ka socdo meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Taliye Mahad ayaa sheegay in ay ciidamada kale ee dalka kaga duwan yihiin howlaha dhaqan celinta iyo barbaarinta dhallaanka tabaalaysan oo ay ku jiraan kuwa la qalday ee loo adeegsaday falalka argagixisanimada, wuxuuna sheegay in carruurta nolosha ka dhacday ee ay hayaan iyo kuwa kaleba ay wax badan u qabteen.

Janaraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay kooxaha nabad diidka kordhiyeen ficilladooda gurracan intii ay ku mashquulsanaayeen doorashooyinka dalka ka socda, iyagana looga baahan yahay inay qabsadaan waajibaadkooda isla markaana ay qaadaan tallaabooyin ka dhan ah dhagarta ay maleegayaan nabad diidka.

Sidoo kale, wasiirka caddaaladda XFS , Xasan Xuseen Xaaji oo munaasabadda ka hadlay ayaa ciidanka Asluubta ku ammaanay wax qabadkooda sida ka qaybqaadashada dib u dhiska dalka, ilaalinta maxaabiista, daryeelka carruurta dhibaataysan, isagoo sidoo kale bogaadiyay doorka ay ka qaateen difaaca qaranka iyo sugidda amniga.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la unkay sanaddii 22/2/1972 ayaa ka mid ah afarta ciidan ee uu dalku leeyahay, iyadoo ay howshiisu tahay ilaalinta iyo dhaqan celinta maxaabiista, wax barista, toosinta iyo xannaanaynta carruurta derbijiifka iyo ka qayb qaadashada difaaca dalka.

Doorashada 5 Xildhibaan oo 3 ka mid ah lagu doortay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa si habsami leh uga socota doorashada Shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka , oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
Ilaa iyo iminka waxaa la doortay 3 mudane oo Ka mid noqonayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ku guuleystay kursiga HOP#072 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo helay 75 cod, halka Cabdisamed Maxamed Cabdullaahi oo la tartamayey uu helay 18 cod, waxaana xumaaday 2 cod sida ay shaaciyeen Guddiga.

Mowliid Cabdi Maxamuud ayaa hab gacan taag ah ugu guuleystay kursiga HOP#13O ee Golaha Shacabka, kadib markii ay tanaasushay Musharax Haboon Axmed Tifow oo la tartameysay, waxaana uu sidaas ku noqonayaa musharixii 2aad ee ku soo baxa doorashada ka socoto Kismaayo.

Maxamuud Muxumed Cumar ayaa ku guuleystay kursiga HOP#079 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu helay 74 cod.

Qaramada midoobay oo cambeysay dhaqdhaqaaqyada uu Ruushka ka wado bariga Yukurayn

New York- Kulan deg deg ah oo ay yeesheen golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay xiisadda sii xumaaneysa ee Ukraine, kadib markii ay xukuumadda Moscow xalay u aqoonsatay gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine dalal madax bannaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaaqista madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee gobollada Donetsk iyo Luhansk ay tahay xadgudub aan loo meel dayin oo ka dhan ah madaxbannaanida Ukraine iyo wadajirkeeda dhuleed.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dadka dalkiisa aysan ka cabsanayn dhaqdhaqaaqyada  Ruushku uu ka wado bariga Ukraine, saacado ka dibna ay ciidan geyn doonaan halkaas si ay nabada u ilaaliyaan.

QM oo cambaareysay dhaqdhaqaaqyada uu Ruushka ka wado bariga Yukurayn

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay xiisadda sii xumaaneysa ee Ukraine, kadib markii ay xukuumadda Moscow xalay u aqoonsatay gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine dalal madax bannaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaaqista madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee gobollada Donetsk iyo Luhansk ay tahay xadgudub aan loo meel dayin oo ka dhan ah madaxbannaanida Ukraine iyo wadajirkeeda dhuleed.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dadka dalkiisa aysan ka cabsanayn dhaqdhaqaaqyada Ruushku uu ka wado bariga Ukraine, saacado ka dibna ay ciidan geyn doonaan halkaas si ay nabada u ilaaliyaan.

Kismaayo oo maanta lagu dooranayo Shan ka mid ah kuraasta BFS

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT ayaa maanta qabanaya doorashada shan kursi (5) oo kamid ah kuraasta 43-da Xildhibaan ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kuraasta doorashadooda maanta la qabanayo ayaa kala ah, HOP- 072, HOP-136, HOP-130, HOP-112-iyo HOP-079.

Shan ka mid ah kuraasta BFS oo maanta lagu dooranayo Kismaayo

Kismaayo- Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT ayaa billaabay doorashada shan kursi (5) oo kamid ah kuraasta 43-da Xildhibaan ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kuraasta doorashadooda maanta la qabanayo ayaa kala ah, HOP- 072, HOP-136, HOP-130, HOP-112-iyo HOP-079.

Ciidanka xoogga dalka oo Argagixisada kala wareegay tuulooyin hoos taga dagmada Janaale

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta deegaano u dhow Janaale waxay ka saareen argagixisada Al-Shabaab, iyagoo soo bandhigay raadad muujinaya goobihii laga saaray Nabadiidka, deegaanada kala ah Buulo Arundi, Malable, Siigaale, Busley, Daa’uud iyo Beeraha-Baay ayey ciidanku ka sameeyeen howlgalladaas.

Ciidanka Qaranku waxay burburiyeen xarumo ay ku jirtay maxkamad beenaadkii Nabadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo gurmad u fidiyey dad tabaaleysan oo dalagii uga baxaayey beerahooda ay argagixisadu ka baaday, qaarna ka gubtay.

Howlgalkaas waxaa hoggaaminayey Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October Cali Mahdi Beerdiide, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Janaale ayaa qeyb ka ahaa hoggaaminta howlgalladaan balaaran