Wasiirka Caafimaadka XFS oo xariga ka jaray qeyb loogu talagalay Carruurta oo laga hirgeliyay Cisbitaalka Martiini.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar iyo Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo laga dhisay Isbitaalka Martiini taasoo loogu talagalay in lagu daryeelo caruurta iyo bukaanada la-ildaran nafaqa daradda,waxana dhisay Dowlada Qatar

Wasiir Fawziya Abiika iyo Safiirka Dowlada Qatar Xasan Xamza ayaa booqasho ku kala bixiyay qaybaha kala duwan ee xarunta oo loogu magac daray Al-Amal,

Wasiirka ayaa aad ugu mahadcelisay Dowlada iyo Shacabka Qatar iyo Qatar Charity oo qeeb wayn ka qaatay dhismaha xaruntaan cusub ee lagu dhisay Isbitaalka Demartino dhexdiisa.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ee iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Dowlada Hoose Xamar.

Kulankan ayaa looga hadlay waxyabihii ka qabsoomay horumarinta adeegyada Caafimaadka, tan iyo markii uu maamulka gobolka Banaadir Wasaarada Caafimaadka kala soo wareegay maamulida adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda taas oo kasoo wareegatay mudo 1-Sano ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa faray waaxda Caafimaadka Dowlada Hoose ee Xamar in sanadkan 2022 ay xooga saaraan sidii bulshada Caasimadda ay u heli lahaayeen adeegyada Caafimaad oo tayo leh islamarkaana bilaash ah.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa qaabilay afhayeenka Xukuumadda oo dalka dib ugu soo laabtay

Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahin Macallimuu ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii dalka Turkiga looga soo daaweyay dhaawac ka soo gaaray qarax argagixiso oo lagula beegsaday Muqdisho bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, bahda saxaafadda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Macallimuu isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu ka bogsooday dhaawacii argagixisadu la beegsadeen, una rajeeyay in uu ku guuleysto dadaalladiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu adeego.

 

 

Shiinaha oo ergey cusub u soo magacaawday geeska Afrika

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing, u soo magacaawday in uu noqdo ergay u qaabilsan geeska Afrika.

Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana sidokale ka soo shaqeeyay qeybo kamid ah Qaaradda Afrika iyo Ameerika, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa  horay u dhawaajiyay bishii Janaayo ee sanadkan, mar uu safar ku marayay bariga Afrika in Dowladiisa ay qorsheeysay magacaabista noocaan ah.

“ Mr Xue Bing, Shaqadiisu waxay noqon doontaa horumarinta Nabadda iyo  xasilloonida gobalka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

Waddamada Itoobiya,Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.

Rasaas ay fureen ciidanka Israa’iil oo sababtay dhimashada hal qof

-Wiil 14 jir Falastiini ah ayaa u dhintay Talaadadii dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Mohammad Shehda ayaa la dhaawacay ka dib markii ay toogteen askarta Isra’iil isagoo ku sugan magaalada Al-Khader ee koonfurta magaalada Beytlaxam.

Sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa  deegaanka, wiilka la dhaawacay ayaa waxaa xiray ciidamada Isra’iil, iyagoo u diiday dhakhaatiirta inay goobta gaaraan si ay gargaar caafimaad ula soo gaaraan dhaawaca wiilka.

kulan ay khamiista wada yeelan lahaayeen Xoghaya arrimaha dibedda maraykanka iyo wasiirka arrimaha dibedda Ruushka oo baaqday

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay  in kulan la qorsheeyay inuu Khamiista la yeesho wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov kulankaas  oo ka dhici lahaa magaalada Geneva la baajiyay ka dib markii Moscow ay aqoonsatay laba gobol oo ka go’ay Ukraine.

“Ruushku  wuxuu caddeeyay diidmadiisa guud ee diblomaasiyadda, macno ma samaynayso in la sii wado kulanka xilligan,” Blinken ayaa sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba.

Blinken iyo Lavrov ayaa loo ballansanaa inay kulmaan waa haddii uusan Ruushku duulaan kale ku qaadin Ukraine, balse khudbad uu jeediyay Isniintii, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu u aqoonsaday gobollada ay ka go’day Ukraine ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine inay yihiin dowlado madaxbannaan, taas oo caqabad ku keentay hanaankii wadahadalada diblomaasiyadda wax loogaga qabanay xiisada Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibedda maraykanka Antony Blinken ayaa hadalkii madaxweynaha Ruushka Putin ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoo sheegay in hadaladiisu  ay si cad caalamka ugu muujinayaan sida uu u arko Ukraine, in aanay ahayn dal madax-banaan oo xaq u leh in uu helo madaxbanaani dhuleed, balse uu yahay mid ka mid ah abuurista Ruushka, sidaas darteedna ay hoos yimaadaan. ee Ruushka.

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe

Jowhar- Ururka 4-aad guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Goobaale ee gobolka Shabeellaha dhexe, ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa burburinta goobo cadowga Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deagaankaas.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka ah maadama aysan ka hortagi karin awooda ciidanka kumaandooska Danab, balse ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.

Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa  holwgallada guud ee lagula dagaalamayo haraadiga Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha dowlad goboleedka iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay Kismaayo.

“Alle ha’unaxariisto Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ku geeriyooday qaraxii ka dhacay maanta Kismaayo, wuxuu ahaa Shiikhu nin wakhti badan geliyay dacwada, muxaadarooyinka iyo in marwalba Bulshadeena la xasuusiyo ku dhaqanka diinta.

Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Culimaa’udiinka, ehelkii iyo qoysaskii uu ka geeriyooday, isagana waxaan alle uga baryayaa inuu janadii geeyo, dadkii kale ee weerarkaasi ku dhaawacmayna alle ha u booga dhayo. Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada amaanka oo gacanta ku dhigay kooxo argagixiso ah

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay kooxo weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday saldhigyada booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ay weerartay saldhigyada booliska degmooyinka Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, isla markaana gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka ayaa u xaqiijiyey warbaahintana in loo soo bandhigi doono kooxihii fuliyey weerarkaas ee gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Cabdifitaax Aadan Xasan Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa shaagay in hadda la hayo 7-qof oo ku eedeysan inay ka dambeyeen weerarka lagu soo qaaday saldhigyadaas.

Qaramada midoobay oo cambaareysay dhaqdhaqaaqyada uu Ruushka ka wado bariga Yukurayn

Kulan deg deg ah oo ay yeesheen golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu cambaareeyay xiisadda sii xumaaneysa ee Ukraine, kadib markii ay xukuumadda Moscow xalay u aqoonsatay gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine dalal madax bannaan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaaqista madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee gobollada Donetsk iyo Luhansk ay tahay xadgudub aan loo meel dayin oo ka dhan ah madaxbannaanida Ukraine iyo wadajirkeeda dhuleed.

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dadka dalkiisa aysan ka cabsanayn dhaqdhaqaaqyada  Ruushku uu ka wado bariga Ukraine, saacado ka dibna ay ciidan geyn doonaan halkaas si ay nabada u ilaaliyaan.