Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay kooxo weerar Bambooyinka gacanta loo adeegsaday ku qaaday saldhigyada booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ay weerartay saldhigyada booliska degmooyinka Wadajir, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, isla markaana gacanta lagu dhigay maleyshiyaadkii weerarka soo qaaday.
Afhayeenka ayaa u xaqiijiyey warbaahintana in loo soo bandhigi doono kooxihii fuliyey weerarkaas ee gacanta lagu dhigay.
Sidoo kale Cabdifitaax Aadan Xasan Afhayeenka booliska Soomaaliya ayaa shaagay in hadda la hayo 7-qof oo ku eedeysan inay ka dambeyeen weerarka lagu soo qaaday saldhigyadaas.