Heshiis is-af-garad ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya Iyo Masar

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu wehliyo Safiirka JFS u jooga Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ka qeyb galay munaasabad heshiis is-af-garad (MoU) ay ku kala saxiixdeen Bankiga dhexe ee Soomaalya iyo Masar.

Heshiiska is-af-garadka ah ayaa quseeya xoojinta wada shaqeynta labada Bangi, iyadoo ay kor u qaadi doonta dib u dhiska Bangiga dhexe iyo nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya.

Dhanka kale guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo booqday xarunta Safaaradda JFS ee Masar, waxaana kusoo dhaweeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo xogta laga siiyay adeegyada ay Safaaradda bixiso, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku amaanay dedaalka uu ku bixiyay dib u dhiska Safaaradda iyo waxqabadka muuqda.

 

Biden oo u hanjabay Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Russia keligeed ay qaadayso mas’uuliyadda dhimashada iyo burburka ka dhasha duullaanka ay Moscow ku qaadday dalka Ukraine.

Madaxeyne Biden ayaa boggiisa Twitterka kusoo qoray in Mareykanka iyo xulafadiisu ay kaga jawaabi doonaan si midnimo ah isla markaana deg deg ah duulaanka Moscow ee Ukraine, sidoo kale uu Adduunku tallaabo ka qaadi doono Russia.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii ay ciidamada Ruushka gudaha u galeen dhulka Ukraine, iyagoo duqeymo xooggan ka geystay magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Keyv.

Guddiyada doorashooyinka SEIT ee Somaliland oo shahaadooyin guddoonsiiyay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha guddiyada doorashooyinka SEIT Somaliland iyo kan heer Federaal ee FEIT, guddiga xallinta khilaafaadka iyo saraakiisha amniga.

Xubnaha la guddoonsiiayay shahaadooyinka ayuu sheegay Ra’iisulwasaaruhu inay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matalaya gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matalaya gobollada waqooyi inay muujiyaan isku duubni, lana yimaaddaan hal fakar maaddaama buu yiri ay leeyihiin miisaanka ugu culus ee xubnaha baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ugu dambayn u mahad celiyay ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiye Cabdi Xaashi doorkii firfircoonaa ee ay ku lahaayeen dhaqaajinta doorashooyinka iyo ka mira dhalintooda.

Ra’iisul wasaare Rooble oo bogaadiyay guddigii loo xil-saaray doorashada kuraasta laba aqal ee Somaliland

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn u bogaadiayay guddigii u xil-saarnaa doorashada xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matala Soomaaliland, ka dib xaflad casha sharaf ah oo xalay ka dhacday Muqdisho.

Mudane, Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada Soomaaliland ku ammaanay dulqaad iyo karti dheeri ahy maaddaama ay howshii loo igmaday soo gaba-gabeeyeen ka hor xilligii lagu ballamay oo ahay 25-ka bishan, wuxuuna maamul goboleedyada kale faray inay dardargeliyaaan doorashada.

Guddigii loo xil-saaray doorashada kurasta laba aqal ee Somaliland ayaa waqtigii loo asteeyay ka hor soo afjaray doorashada 11-xubnood oo Aqalka sare ah iyo 46 golaha shacabka ah, kuwaas oo markii la isku geeyo ah 57-xildhibaan.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Guddomiyaha gobolka Banaadir oo kulan ay yeesheen kaga hadlay daadejinta adeega caafimaadka

Wasiirka wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawsiyo Abiikar Nur oo ka jawaabeysa martiqaad rasmi ah oo ay ka heshay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan booqasho ah ku tagtay xarunta maamulka gobalka Benaadir.

Labada masuul waxaa kulanka ku wehelinayay sarakiil sar sare oo ka socotay wasaaradada iyo Agaasimaha Caafimaadka ee dowlada Hoose Xamar. Kulankan ayaa looga hadalay xoojinta wada shaqeynta iyo sii adkeynta hanaanka daadejinta adeega Caafimaadka ka soo hadda u socda si heer sara ah.

Dhanka kale Agaasimaha Caafimaadka Gobalka ayaa ka warbixiyay sida ay u hirgeshay aragtidii ay garwadeenka ka ahayd Wasiir Fawsiyo  iyo waxyaabahii ka qabsoomay howlihii daadejinta Adeega Caafimaadka ee Gobalkaka Benaadir taas oo ay ka soo wareegatay mudo 1-Sano ah.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Wasiirka Caafimaadka uga marxabeeyay wada shqeynta iyo garab istaaga ay u muujisay maamulka gobalka Benaadir iyo Shacab weynaha Muqdisho iyo sida markasta ay ugu heelantahay hirgelinta Adeega Caafimaadka ee danta guud.

Guddommiyaha ayaa sidoo kale boogaadiyay Shaqada Caafimaadka Dowlada Hoose ee Xamar iyo Qeybaha wasaaradda ee shaqada kala dhaxeyso.

Uga danbeyntii Guddommiyaha iyo Wasiiradda ayaa Isla qaatay in sanadkaan 2022 xooga la saaro sidii adeega Caafimaadka ee bulshada Caasimadda kor loogu qaadi lahaa dhankasta.

Haweeney xaamilo ah oo meydkeeda laga soo saaray ceel ay ku dhacday Deegaanka Garasbaaleey

Garasbaley- Allaha u naxariiste Hooyo Asli Muuday Muuse ayaa meydkeeda laga soo saaray ceel ay ku dhacday galabta deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaaladda Muqdisho, Sida ay xaqiijiyeen maamulka deegaanka marxuumadda ayaa aruursaneysay xaabo ay dooneysay inay dabka ku shidato ka hor inteysan ku dhicin ceel ay ku geeriyootay.

Dadka Dadka deegaanka iyo maamulka Garasbaaleey ayaa u gurmaday si u badbaadiyaan hooyaddan uurka balse ugu dambeyn meydkeeda ka soo saaray ceelka.

AUN  hooyo Asli Muuday Muuse ayaa heysatay afar carruur ah, waxaana ay ahayd xaamilo taas oo ku howlaneed sidii ay dabka ugu shidi laheyd dhallanka ay heysato.

Abaaraha ba’an ee ku dhufay meelo badan oo dalka kamid ah ayaa sababay inay la’daan xoolihii ay ku noolaayeen barakacaayal badan oo so dugaalsaday kaamam ku yaal duleedka magaaladda Muqdisho, iyago halkaas ka soo raadsay nolol dhaanta tay ku noolaayeen.

Marxuumaddan ayaa ahayd dadka dan yarta ah ee ka soo barakacay abaaraha daran ee saameynta ku yeeshay dadka iyo duunyada ee deegaano badan oo kamid ah goboladda dalka Soomaaliya.

Ceelka oo cabirkiisa lagu qiyaasay 90 mitir ayaa la adeegsan jiray xilli hore taas oo sababtay inuu qarsanaa oo anaan la arkin Dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan ka war heyn ceelka ay ku dhacday Hooyo Asli, gurmad intii tabartooda ahna ay sameeyeen laakiin qadarta rabi ayaa dhacday.

Maamulka Deegaanka Garasbaaleey oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in ay billaabeen qorshaha lagu aasayo Ceelka si looga badbaadiyo qatarta mar kale ka dhalan karta inay dadku ku dhacaan.

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo furtay shirka dib u habeynta hanaanka maaliyadda Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda iyo hay’adda lacagta adduunka ee (IMF), ay bilaabeen shirka dib u eegista hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

“Maanta waxaan si wada jir u bilownay annaga iyo IMF dib-ugu-eegista hanaanka Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirkaan oo socon doona muddo labo toddobaad ah, ayaa waxaa looga doodi doona dib u habeynta hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hogaaminaysa shirkaan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galayaan hey’adaha Dowladda qaarkood sida wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Hay’adaha Amniga iyo Taliska AMISOM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka Amniga Qaran oo looga hadlayay xooninta amniga Dalka, la dagaalanka Argagaxisada , dardargelinta sugidda amniga Muqdisho iyo adkaynta amniga Doorashada.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen Hay’adaha Amniga iyo Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la isku dhaafsaday aragtiyo lagu xoojinayo amniga dalka iyo howlgallada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa faray hay’adaha amniga in ay xil gaar ah iska saaran sugida amniga caasimadda oo lagu qaban doono doorashadda Guddoonka barlamaanka iyo Madaxweynaha J.F Soomaaliya.

Eng. Rooble ayaa ku boggaadiyey hay’adaha amniga iyo Taliska AMISOM dadaalada ay wadaan ee lagu ciribtirayo kooxaha dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed, waxuna ku adkeeyey in la sii wado howlgallada xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin argagixisadu.

 

Madaxweynaha Jubaland oo daah furay Mashruuca Dhismaha Wadooyin ka kooban 31-km

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta daahfuray mashruuca dhismaha wadooyin laami ah oo ka kooban 31km oo qeybtii ugu horaysay oo ka kooban 8km uu Madaxweynahu maanta dhagax dhigay.

Wadooyinkan ayaa ahaa kuwo mudo soo jiitamayay isla markana daraasayntooda ay wakhti dheer qaadatay iyadoo laga baaran dagayay sida ugu wanaagsan ee loo heli lahaa shirkad tayo leh oo mashruucan fulisa.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan mashariicdan oo ah kuwo wakhti dheer laga soo shaqaynayay oo wax weyn ka tari doona bilicda Magaalada,waxa una shegay Madaxweynahu uu xusay in la samayn doono mashaariic kale oo baaxad leh isla markana Dowladu ay ku tala jirto in wakhti dhow lagu hirgaliyo mashaariic muhiim ah balse shirkadaha iyo Wasaaradaha Dowladda ee fulinaya looga baahan yahay hufnaan shaqo oo macno leh.

Waxaa munaasabadan Madaxweynaha kala qeybgalay qaar kamid ah golaha wasiirada, maamulka Degmada Kismaayo iyo masuuliyiinta shirkadda fulinaysa mashruucan dhismaha Wadooyinka Magaalada Kismaayo.

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo shaaciyay Jadwalka doorashada Saddex kursi

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Maanta shaaciyay guddiyadda xulista kuraasta kala ah HOP#012, HOP#048, HOP#137 iyo waqtiga la qabanayo Doorashada Saddexda Kursi.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 24-ka Bishaan oo beri ah la diiwaangelin doono musharrixiinta Saddexda kursi oo doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb 25-ka Bishaan,waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo ay kala yihiin.

1: HOP#012

2: HOP#048

3: Hop#137