Dhuusamareeb oo lagu qabtay doorashada 4-kursi oo Baarlamaanka ah

Magaalada Dhuusamareeb waxaa  maanta lagu doortay 4-xildhibaan oo ka mid noqday golaha baarlamaanka Soomaaliya,waxayna kala yihiin

1-Yuusuf Xeyle Jimcaale ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#012 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

2-Faaiso Maxamed Jeyte ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#048 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

3-Saabir Nuur Shuuriye ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#071 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

4-C/risaaq Aadan Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#137 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Haya’dda Samofalka Qadar oo xaflad dhiirigalin ah u sameysay 186 arday

Haya’dda Qatar Charity oo ah Haya’dda ka shaqeysa samafalka iyo hormarinta ayaa Magaalada muqdisho ku qabtay munaasabad lagu dhiirigaliayo 186 araday oo soo gabagabeeyay  heerka kowaad ee waxbarashada.

Munaasabadan waxaa  goob jog ka ahaayeen Safiirda Dowladaha Qatar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, Gudoomiya Haya’dda Qatar Charity ee Somaliya, Gudoomiya Jaamacada Muqdisho, Xubno ka socda Bankiyada iyo Haya’daha gargaarka.

Munasabadan oo loogu talagalay sidii loo dhiirigalin lahaa ardayda ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Gudoomiyaha Haya’dda Qatar Charity ee Soomaliya Abdinur Haji Ali Mursal ,wuxuuna  ka warbixiyay howlaha ay Haya’dda Qatar ka qabato Soomaaliya .

Xafladdaasi waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirudowlaha wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Federalka Soomaliya Cabdi Axmed Qasim iyo  Gudoomiya Jaamacada Muqdisho Dr. Ibrahim Mohamed Mursal ay tibaaxay in.

Haya’dda Qatar Charity,laga soo bilaabo  2008 dii , waxaa  Soomaaliya ay ka fulisay mashaariic kala duwan oo iskugu jira dhinacayda Caafimaadka, waxabarshada, gaargaarka, biyaha, daryeelka agoonta, iyo shaqa abuurka.

Yuusuf Xeyle Jimcaale oo ku soo baxat doorashada baarlamaanka ee Dhuusamareen

Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale ayaa maanta ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#012 ee golaha shacabka BJFS ,kaas oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Golaha Wadatashiga oo isku raacay in 15 Maarso la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa yeeshay Kulam  fogaan arag ah oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo khuseeya xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankaan oo uu shir guddoominaayey R.wasaare Rooble ,waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha DSowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaga Gobolka Banaadir,iyadoo  looga hadlay ajeendayaal ay ka mid ahaayeen xaaladda doorashada,Xal u helista caqabada jira ,soo gabagabeyta doorashada iyo abaaraha ba’an ee ka jira dalka.

Golaha wadatashiga dood iyo falanqeyn ka dib,waxa ay isku raaceen in  15 Maarso la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka

Saaraakiil ka tirsan ciidanka Danab oo qaatay tababar aqoon kororsi ah

Saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsanciidamada kumaandooska Danab,ayaa loo soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo qeyb ka ahaa horumarinta xirfadaha ciidanka.

Taliye ku-xiggeenka guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab G/le Aadan Jeelle Cali ayaa soo gabagabeeyay tababarkaasi,wuxuuna kula dardaarmay in tababarkii la siiyey ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Tababarkaasi mudadii uu socday waxaa casharro ka bixiya macalimiin ka socday ciidamada caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Qaramada midoobay oo ka wada hadlay abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha bani’aadminimada Adam Cabdulmowlaa .

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha abaaraha dalka ka jira, gurmadka la gaarsiinayo dadka ay dhibaatadu saameysay iyo isku duwidda dedaallada gurmadka abaaraha ee dowladda iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

WararkaGudaha Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda maamulkaasi

Madaxweynaha Dowlad Gobaleeedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horreyn golaha ayaa si wadajir ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Kismaayo.

Wasaaradda amniga ayaa faahfaahin ka bixisay xaalada amniga iyo howlgalada hay’adaha amaanka oo ay kamid yihiin sugida amniga magaalooyinka iyo doorashooyinka, Wasaaradda waxaa ay sheegtay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen duleedka Degmada Jamaame lagu dilay lix katirsan kooxaha argagixisada ah sidoo kalana lagu soo qabtay tiro maxaabiis ah.

Sidoo kale golaha wuxuu ansixiyay siyaasada nashqadaynta guryaha Jubaland oo ay kamid yihiin dhismaha guryo tayo leh oo loo dhisayo dadka gudaha ku barakacay iyo dadka kasoo noqonaya xeryaha qoxootiga dhadhaab.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdirashii Maxamed Xidig ayaa golaha u soo bandhigay tijaabada Doog dabiici ah oo lagu beeray gudaha Jubbaland oo muddo kooban kusoo bixi kara kadibna la siin karo xoolaha isla markana ganacsato ree Jubbaland ah ay leeyahiin fikirkiisa.

Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay liiska xubnaha soo xulaya murshaxiinta u tartamaya kuraasta Banaadiriga

Guddiga doorashooyinka Banaadiriga ayaa shaaciyay liiska xubnaha soo xulaya ergada dooraneysa xildhibaanada iyo jadwalkooda.

Wararkii u dambeeyay duulaanka Ruushka ee Ukraine

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa amray in howlgal gaar ah ciidankiisa ku qaadaan dalka Ukraine Khamiista maanta ah si loo ciribtiro waxa uu ugu yeerey halist dhab ah.
Putin waxaa uu sheegay in u jeedkiisu yahay in ciidanka Ukraine hubka dhigaan isla markaana dalkaas laga sifeeyo xukunka naaziga.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo saaray xukun deg de ah ama martial law, sidoo kale baarlamaanka ayaa meel mariyay talaabadaas.
Ciidanka Russia ayaa Ukraine ka weeraray xudduudda dalka Belarus oo Ukraine deriska yihiin sidoo kale waxaa taageerey duulaanka Russia ciidanka dalka Belarus, duulaanka sidoo kale waxaa uu ka soo socdaa dhanka gobolka Crimea oo Russia kal hore la wareegtay, sidaa waxaa sheegay ciidanka ilaalada xuduudaha Ukraine.
Sidoo kale waxaa rasaas laga maqlayaa caasimada Ukraine ee Kyiv.
Ciidamada Ukraine iyo Russia duqeymo isku dhaafsanaya gobolka Lviv ee bariga Ukraine.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu cambaareeyay duulaanka Russia ee Ukraine isagoo ku sifeeyay waxa aan marmarsiiyo laheyn, isagoo telefoonka kula hadlay dhigiisa dalkaas ee madaxweyne Zelensky.

Booliska Ukraine oo soo bandhigay tirada dhimashada iyo dad nolosha lagu la’yahay

Booliska dalka Ukraine ayaa shaaciyey in la xaqiijiyey geerida 7 qof oo lagu dilay duqeymaha Ruushka, saraakiisha booliska ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ugu weyn uu ka dhacay saldhig militeri oo ku yaalla duleedka magaalada Odessea, halkaas oo lagu dilay 6 askari, tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen, qof kale ayaa lagu dilay magaalada Mariupol.
Shacabka Ukraine ee ku nool magaalooyinka muhiimka ah ee dalkaas ayaa bilaabay inay guryahooda isaga cararaan. Sidoo kale warbixinta booliska waxaa lagu sheegay in 19 qof lagu waayey nolol iyo geeri toona.