Haya’dda Samofalka Qadar oo xaflad dhiirigalin ah u sameysay 186 arday

Haya’dda Qatar Charity oo ah Haya’dda ka shaqeysa samafalka iyo hormarinta ayaa Magaalada muqdisho ku qabtay munaasabad lagu dhiirigaliayo 186 araday oo soo gabagabeeyay  heerka kowaad ee waxbarashada.

Munaasabadan waxaa  goob jog ka ahaayeen Safiirda Dowladaha Qatar iyo Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, Gudoomiya Haya’dda Qatar Charity ee Somaliya, Gudoomiya Jaamacada Muqdisho, Xubno ka socda Bankiyada iyo Haya’daha gargaarka.

Munasabadan oo loogu talagalay sidii loo dhiirigalin lahaa ardayda ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Gudoomiyaha Haya’dda Qatar Charity ee Soomaliya Abdinur Haji Ali Mursal ,wuxuuna  ka warbixiyay howlaha ay Haya’dda Qatar ka qabato Soomaaliya .

Xafladdaasi waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirudowlaha wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Federalka Soomaliya Cabdi Axmed Qasim iyo  Gudoomiya Jaamacada Muqdisho Dr. Ibrahim Mohamed Mursal ay tibaaxay in.

Haya’dda Qatar Charity,laga soo bilaabo  2008 dii , waxaa  Soomaaliya ay ka fulisay mashaariic kala duwan oo iskugu jira dhinacayda Caafimaadka, waxabarshada, gaargaarka, biyaha, daryeelka agoonta, iyo shaqa abuurka.