DEG DEG: Ciidanka Ruushka oo gacanta ku dhigay magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine

Ciidanka Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ukraine, sida ay sheegeen saraakiiha deegaanka.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaysa gawaarida gaashaaman ee militiriga Ruushka oo dhex socda magaalada Kharkiv.

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine oo galay maalintii 4-aad

Dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine oo galay maalintii affaraad ayaa lagu soo waramayaa in ciidanka Ukraine ay jilibka u aasteen sidii isaga difaaci lahaayeen duulaanka Moscow ay ku ekeysan dalkooda.

Militiriga Ukraine ayaa sheegay in 3,500 oo askari oo Ruush ah ku  waxyeeleeyeen dagaalka.

Duqeymo isadaba joog ah ayaa ka dhacaya magaalooyinka waa weyn ee dalka Ukraine oo ay caasimadda Kiev ku jirto.

Ku dhowaad 120,000 oo qof ayaa ka qaxay dalka Ukraine kuwaas oo intooda badan galay dalka deriska ah ee Poland.

Ciidamada Difaaca Kenya oo howlgal qorsheysan ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa sheegay in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo afar gaaraya ay ku dileen deegaanka Sarira ee u dhow Keymaha Boni, ee gobolka xeebta dhaca ee Lamu oo daris la ah Soomaaliya.

War ka soo baxay ciidamada Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab isku dayeen in ay ka gudbaan xadka ay wadaan Kenya iyo Soomaaliya shalay oo sabti ahayd, kuwo kale oo dhaawacyo qabana ay u baxsadeen dhinaca xadka Soomaaliy iyo Kenya.

Sidoo kale, Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidankeeda intuu uu socday howlgalka ay Kenyaanka ka wadeen deegaanada xudduuda la leh Soomaaliya.

Militeriga Kenya ayaa sheegay in ay sare u qaadeen ammaanka magaalo xeebeedka si looga hortago argagixisada Al-shabaab  inay weeraro ka geystaan gudaha dalkaas.

Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo shaaciyay Liiska doorashada 4-kursi

Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed SEIT ayaa shaaciyay qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu magaalada Baydhabo, Kuwaas oo doorashadoodu la qabandoono isbuucan.

Kuraasta la shaaciyay oo Afar ah ayaa kamid ah kuraasta ka harsan 19 kursi ee ku dhiman doorashadooda Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka Madasha Golaha Horumarinta Qaranka oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirkaan oo ay ku mideeysan yahiin Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarnta Dhaqaalaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Gobaleedyada.

Madashan waxaa ka qeyb galaya qaar ka mid Wasiiradda Qorsheynta dowladda gobaleedyada, Agaasimaha Guud iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada,  la taliye-yaal sare.

Madashani waxa ay socon doontaa muddo labo cisho ah (26-27 Febraayo, 2022) iyada oo lagu lafo-guri doono hannaanka wada shayeynta, iskaashiga  iyo muhimada ay leedahay u adkeysiga  masiibooyinka soo noq-noqday, Sidoo kale waxaa lagu kala dhageystay warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Madashan waxaa la filaya in la’isku weydaarsado fikrado muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan adkeynta hannaanka wadashqeynta labada heer ee dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo bixi doonaan talooyin wax ku ool ah oo fulintooda qeyb mug leh ka qaadan doono hoos u dhigista saboolnimada, joogteynta kobac dhaqaale waara, iyo sidoo kale sare u qaadista heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Asad Yusuf Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Qaranka  ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada ay leedahay Madassha horumarinta Qaranka, “madashaan golaha hormarinta qaranka waa madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradaha qorsheynta heer Federaal iyo heer maamul goboleed oo ay hoggaaminayso Wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ayna soo bilaabatay 2016 dii doorka aan ku leenaahy hormarinta qaranka waa hagida iyo isku duwista qaranka”

Madaxda ka socday dowladd gobaleedyada oo furitaanka shirka hadlo kooban ka jeedyay ayaa ka warbixiyay shaqooyinka ka socda deegganadooda iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyagoo tilmaamo ka bixyay Abaaraha ka jira deegnadooda

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga Gaadiidka Cirka

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Mudaned Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Aas aasida Guddiga Gaadiidka Cirka kaas oo shaqooyin muhiim ah ka qabanaya Hawlaha horumarinta Duulimaadyada kala duwan ee dalka yimaada kana baxa.

Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka socday Hay’adaha Duulista rayidka iyo socdaalka, Booliiska iyo Favori.

Guddigaan oo muhiimad weyn u leh hormarinta Adeegyada Duulimaadka Soomaaliya ayaa waxa uu fududayn doonaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Hay’addaha ka howlgala Airport yada Dalka, si looga baaqsado caqabadaha ay ka midka yihiin khatarta ka imaan karta xaga Amniga iyo dib u dhaca ku imaan kara wakhtiga ay rakaabku ka duulayaan Garoomada.

Wasiirka Gaadiidka Iyo duulista Hawadda ayaa sheegay in gudigaan muhiim weyn uu ugu fadhiyo Wasaaradda Gaadiidka, waxaana uu intaas raaciyay in hawlo badan ay horyaalaa masuuluyiinta Guddiga, isagoona gabogabdii shirka shahaadooyin gudoon siiyay xubnaha guddiga taas oo muujinaysa tababarka ay dhamaysteen.

Ukraine oo Hey’adaha Lacagta Adduunka ka codsatay gargaar degdeg ah

Maamulka sare ee Sanduuqa Lacagta Adduunka, ayaa ku dhawaaqay in Ukraine ay ka codsatay hay’adda maaliyadeed ee caalamiga ah gargaar maaliyadeed oo degdeg ah.

“Waxaan raadineynaa fursado aan Kiev, ku siinkarno taageero maaliyadeed oo gaaraya $ 2.2 bilyan oo Dollar” ayaa lagu yiri  bayaan ka soo baxay maamulka Sanduuqa Lacagta Adduunka, ka dib shir ay yeesheen galinkii danbe ee Jimcihii.

“Waxaan sii wadi doonnaa la shaqeynta Kooxda Bangiga Adduunka iyo la hawlgalayaashooda si aan isku dubbaridno taageerada la siinayo Ukraine,” ayay tiri Georgieva  oo ah Agaasimaha Sanduuqa lacagta Adduunka.

Georgieva , ayaa hore u muujisay walaaceeda ku aaddan saameeynta ka dhalan karto duulaanka Ruushka ee Ukraine, xilli dunidu ay wali ka soo kabanayso dhibaatadii uu sababay xanuunka Covid-19.

Guddiga doorashada Hirshabeelle oo shaaciyay Jadwalka Doorashada 11kursi

Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay  Qaybtii 2-aad 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

Guddiga ayaa horay u shaaciyay doorashada 11 Kuri oo Lix kamid ah la doortay, halka Toddoba kamid ah la dooran doona beri oo Axad ah, sida ku xusan jadwalkii ay Guddiga horay u soo sareen.

Aqalka Cad oo Congress-ka ka codsaday inay ansixiyaan $6.4 bilyan oo lagu caawinaayo Ukraine

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, ayaa ka codsaday Congress-ka  inay ansixiyaan  lacag gaareysa 6.4 bilyan oo doolar, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadannimo iyo kuwa amni ee ka taagan Ukraine ka dib duulaankii Ruushka uu dalkaasi ku qaaday.

Lacagahan ayaa loo kala qoondeeyay laba qorsha oo kala ah gargaar bini’aadannimo iyo taageero Milatari, sida ku cad codsiga Aqalka cad, 2.9 bilyan oo doolar ayaa loo qorsheeyay in lagu bixiyo gargaarka bini’aadannimo, halka $3.5 bilyana la sheegay in looga talagalay gargaar dhanka Milatariga ah, iyada oo la marsiinayo Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine.

Koongaraska Mareykanka ayaa ugu horeeyn  sida la sheegay qaddarin doona $2.9 bilyan ee loo qoondeeyay gargaarka bini’aadannimo, iyadoo loo marsiinayo Hey’adda USAID.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ukraine

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda dalka Ukraine waxay sheegayaan in ciidamada Ruushka ay si buuxda ula wareegeen magaalada Melitopol oo dhacda gobolka koonfurta Ukraine ee Zaporizhzhya, wakaaladaha wararka Ruushka ee Interfax iyo Sputnik ayaa baahiyey qabsashada magaaladaas, iyagoo soo xiganaya wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Melitopol waa magaalo weyn, waxaana u dhow dekedda ugu muhiimsan Ukraine ee Mariupol.

Dhanka kale gudaha Ruushka waxaa ka bilaawday banaan-baxyo looga soo hor jeedo duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, booliska magaalada Moscow ayaa xirxiray inta badan dadkii ku mudaharaadayey dowladda.