Wasiir Beyle oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Georgetown ee Dalka Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Beyle,ayaa dalka Mareykanka uga qeybgalay kulan ay soo qabanqaabiyeen madaxda Jaamacadda Georgetown oo la xiriiray arrimaha Soomaaliya .

Kulankaasi oo lagu martiqaaday wasiirka,waxa uu ka jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya,gaar ahaan habka dib-u-dhiska dalka iyo barnaamijyada soo kabasho ee laga fuliyay gudaha dalka.

“Sharaf ayey ii tahay in aan khudbad ka jeediyo Jaamacadda Georgetown oo aan madaxda halkaasi  la wadaago khibradda aan u leennahay waddada soo kabashada”ayuu yiri wasiir Beyle.

Wadaagidda Macluumaadka iyo Fikradaha wadajirka ah waxa ay had iyo jeer muhiim u yihiin horumarka waara ee lagu faa’iido.

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaalada isaga kala goosha qaaradaha

warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa manta sheegtay in ay tijaabisay gantaal nuuciisu yahay kuwa  isaga kala goosha qaaradaha (ICBM),iyagoo dabajooga amar ka soo baxay hogaamiye Kim Jong Un.

Tijaabada gantaalkaasi ayaa lagu sheegay in lagu xoojinayo difaaca ,isla markaana  loogu diyaargaroobayo   iska horimaad kasta  oo ay la galaan Maraykanka.

Hogaamiye Kim, oo ku labisan jaakad maqaar oo madow ah iyo muraayadaha qorraxda, ayaa kormeeray shalay furitaankii waxa lagu tilmaamay “nooc cusub” ee ICBM, Hwasong-17.

Tijaabadii ugu horeysay ee nuuca gantaaladaan ICBM,waxaa cambaaraysay Kuuriyada Koonfureed ,Japan, iyo Maraykanka.

Qaramada Midoobay oo cambaareysay qaraxii Beled weyne iyo weerarkii garoonka Aadan Cadde

    

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay qaraxii Beledweyne iyo weerarkii lala beegsaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

.Golaha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay falalkaasi waxashnimada ah ee ay geysteen kooxo nabad-diid ah oo aan u tureyn dadka iyo dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,waxa ay ku baaqeen in caddaaladda la horkeeno dembiilayaasha ka dambeeyay abaabulka weeraradaasi bahalnimada

Roobabkii guga oo ka curtay qeybo ka mid ah dalka

Roobab wanaagsan oo ah xilligga guga ayaa ka curtay meelo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen abaaro baahsan oo dhaliyay dhimasho iyo barakac ku yimid dadka iyo xoolaha.

Roobabkaan ayaa shalay iyo xalay ka da’ay deegaanno ka mid ah gobolada mudug,Gaalgaduud iyo Bakool,waxaana  ku diirsaday dadka iyo xoolaha.

Inkastoo dad badan ay ku barakaceen abaarihii ka jiray inta badan gudaha dalka,haddana,waxaa la rajeynayaa in qoysas badan ay abaabul u glaan beerashada xilliga guga ee bilaabmay.

Guddiga Doorashooyinka Hirshabeelle oo shaaciyay qabashada 4 kursi

Gudiga Hirgalinta Doorashada Hirshabeelle SEIT waxa uu shaacinayaaa qabashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee Beledweyne.

1-HOP#058

2-HOP#019

3-HOP#059

4-HOP#039

Taliska Booliska gobolka Hiiraan oo sheegay inay baarayaan dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii ka dhacay Baladweyne

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ciidanka booliska ay wadaan baritaanno la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii la shaqeeyay  kooxahii ka dambeeyay weerarradii xalay ka dhacay magaalada Baledweyne.

Col; Isaaq Cali oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falkani ay geysteen dad naftooda halligay balse ay baaritaan ku hayaan ciddii soo maleegtay iyo halka laga soo abaabulay, wuxuuna intaa ku daray inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku hor keeni doonaan caddaaladda.

Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada ka dhacay Baladweyne ayuu sheegay inay kor u dhaafayaan 30 qof welina ay wadaan baaritaanno, si loo ogaado tirada inta ay gaarayaan dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay weerarrada.

G/sare Isaaq Cali Cabdille taliyaha qeybta Boliiska gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ka codsaday in dhaawacyada sida ay u kala culusyihiin la qiimeeyo, wixii aan wax laga qaban karinna loo qaado Isbitaallada Muqdisho si loola tacaalo.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Galmudug oo xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Galmudug ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi ciidan ku ridday Askar ka tirsanayd Ciidamada booliiska, xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay Ciid Cabdi Cali, Abshir Maxamuud Jaamac, Cabdi kaafi Cali Cabdullaahi, Cadnaan Cali Salaad iyo Maslax Cabdi Cumar, halka ay shan sano oo xabsi ciidan ahna ku ridday, Maxamed Qalinle Warsame oo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dilka, Muxyaddiin Cabdullaahi Cali oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Raggan maanta la xukumay ayaa dhammaantood ka tirsanaa laamaha kala duwan ee ciidamada, kuwaas oo dilal ugu geystay magaalada Gaalkacyo dad rayad ah iyo xubno ka tirsanaa Ciidamada.

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Galmudug ayaa ugu dambayn sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay ka qaadan karto racfaan.

Salaad Roobdoon ah oo maanta laga tukaday degmada Xuddur

Kumanaan qof oo ka mid ah dad weynaha ku dhaqan magaalada Xuddur ee caasimadda gobolka Bakool ayaa maanta halkaasi ka oogay salaad roob doon ah.

Salaadda roob doonka ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Culimaa’udiinka magaalada Xuddur ayaa laga jeediyay khudbado ku saabsan cabsida Alle iyo in ay dadku is-cafiyaan si uu rabbi usiiyo raxmaddiisa.

Culimada ka hadashay halkaasi waxay aad ugu dheeraadeen dhibaatada jirta oo ay sheegeen in umadda gacmahooda ku kasbadeen iyo sida looga bix ikaro oo ah in xagga Alle loo noqdo.

Salaaddan roob doonka ah ee maanta laga tukaday magaalada Xuddur ayaa imanaysa iyadoo inta badan dhulka Soomaaliya ay ka jirto abaar xooggan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qayb galay Jinaasada AUN xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyne.

Allaha u naxariistee marxuumad Aamina Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo xalay lagula beegsaday magaalada Baladweyne, waxaana maanta aas qaran llogu sameeyay Magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska gobolka Hiiraan oo sheegay inay baarayaan dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii ka dhacay Baladweyne

Balad weyne- Taliyaha qeybta Booliska gobolka Hiiraan, G/sare Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ciidanka booliska ay wadaan baritaanno la xiriira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii la shaqeeyay  kooxahii ka dambeeyay weerarradii xalay ka dhacay magaalada Baledweyne.

Col; Isaaq Cali oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in falkani ay geysteen dad naftooda halligay balse ay baaritaan ku hayaan ciddii soo maleegtay iyo halka laga soo abaabulay, wuxuuna intaa ku daray inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku hor keeni doonaan caddaaladda.

Dadkii ku waxyeelloobay qaraxyada ka dhacay Baladweyne ayuu sheegay inay kor u dhaafayaan 30 qof welina ay wadaan baaritaanno, si loo ogaado tirada inta ay gaarayaan dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay weerarrada.

G/sare Isaaq Cali Cabdille taliyaha qeybta Boliiska gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ka codsaday in dhaawacyada sida ay u kala culusyihiin la qiimeeyo, wixii aan wax laga qaban karinna loo qaado Isbitaallada Muqdisho si loola tacaalo.