Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo kulamo ka wada Magaalada Qardho”Sawirro”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay haweenka iyo Dhallinyarada Magaalada Qardho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada guud ee Gobolka , gaar ahaan dhanka nabad galyada iyo horumada ka jiro magaalada Qardho iyo guud ahaan Gobolka.

Haweenka iyo Dhalinyaradda Magaalada Qardho ayaa Madaxweyne dani uga mahadceliyey dadaalada uu wado maamulka puntland dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dhankiisa waxaa uu ugu baaqay Haweenka iyo Dhalinyarada ku nool Magaalada Qardho inay si wanaagsan ula Shaqeeyaan Madaxda Maamulka Puntland.

           

Xukumadda oo beenisay in ciidanka soomaaliyeed ay qeyb ka yihiin dagaalka waqooyiga Itoobiya

Xukuumadda ayaa si adag u beenisay warar been abuur ah oo laga fidiyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga waddamada dibadda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in wararkaasi yihiin been abuur ay dadka qaar siyaasad ka raadinayaan.

Ma jiro ciidan soomaaliyeed oo Tigray ka dagaalamay iyo ciidan ay itoobiya dowlada soomaaliya weydiisatay ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Wasiir Dubbe wuxuu tilmaamay in dadka dacaayada noocaas oo kale ah faafinaya ay ka so horjeedaan oo ay diidan yihiin in soomaaliya ay yeelato ciidan xoog leh oo amaankeeda ay ku filnaato

Messi oo labo kulan oo ganaax ah garka loo galiyay ka dib casaankii ugu horeeyay ee Barcelona.

Messi ayaa la ganaaxay kaliya labo kulan ka dib casaankii ugu horeeyay ee Barcelona laakiin racfaan ayaa weli u furan kabtanka Barcelona.

Superstar-ka reer Argentina ayaa Kaarka Cas loo taagay intii lagu guda jiray kulankii Spanish Super Cup ee ay la ciyaareen kooxda Athletic Club waxaana haatan lagu wadaa inuu ganaax ku maqnaado labo kulan Lionel Messi ayaa ka badbaaday  ganaax dheer ka dib markii uu qaatay casaankiisii ugu horeeyay ee waayihiisa Barcelona, iyadoo ciyaaryahanka reer Argentina uu seegi doono kaliya labo kulan oo ka dambeeya casaankii Spanish Super Cup ee uu ka qaatay kooxda Athletic Club, laakiin Blaugrana ayaa weli racfaan ka qaadan weeydiisan karta RFEF, oo xukunta arrimaha anshaxa ee Spain.

Waxaa la soo jeediyay in laacibka koonfurta Ameerika uu wajihi karo ilaa 12 kulan oo ganaax ah sababo la xiriira tallaabooyinkiisa taxaddar la’aanta ah ee uu qaaday.

Wasaaradda qorsheynta oo dib u eegis ku sameeysay qorshe howleedka WFP-Somalia ee Jubbaland+Sawirro

Wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hay’adda WFP-Somalia fartay in ay xoojiso howlaha ay ka fulinayso maamul gobaleedka Jubaland, kadib kulan lagu soo bandhiyay dib u eegista qorshe howleedka 2021 ee hay’ada Cuntada Adduunka oo lagu qabtay Kismaayo.

Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen xubno ka socda wasaaradaha Jubbaland ee ay wada shaqaynta dhow leeyihiin WFP iyo Wasaaradda qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa u qabsoomay qorshaha ICSP 2020 iyo 2021 ee hay’adda ee hay’adda WFP ee ku aaddan Dowlad gobaleedka Jubaland.

Agaasimaha kormeerka iyo qiimeynta wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, Cabdiraxiin Muuddeey ayaa sheegay in caqabadaha sanadkii hore ay aad u badnaayeen sida Cudurka Korana Farayska, balse ay iminka rajeynayaan in laga gudbo.

Madaxda ka socotay wasaaradaha Dowlad gobaleedka Jubaland ayaa bogaadiyay howsha ay garwadeenka ka tahay wasaaradda qorsheynta Qaranka iyo hay’adda, iyagoo isla meel dhigay  Istaraajiyadda cusub ee WPF- Soomalaiya 2022-2025.

Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu go’aamiyay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha WFP Dowladda federaalka iyo maamul gobaleedka Jubbaland si loo gaaro yoolka qorshayaasha loogu adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

      

Galmudug oo ciidamo gaysay deegaano dhawaan ay yimaadeen Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Galmudug , guddoomiyaha gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa deegaanno hoos-taga degmada Hobyo ayaa gaaray maantay difaacyada hore ee ciidamada amniga Galmudug ay ku jiraan ee aagga Bacaadweyn iyo Cimaamad.

Ciidamada Qalabka-sida ee isugu jira mileteriga qeybta 21-aad, Nabadsugida iyo Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya naftood hurayaal deegaanadaas ka soo jeeda ayaa heegan culus ugu jira difaaca dalka, dadka iyo diinta oo ay kooxaha argagixisada Alshabaab weerar ku yihiin.

Galmudug waxaa ay sheegtay inay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda Al shabaab oo dhuumaalaysi ku yimaada Koonfurta Gobolka.

    

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo saraakiisha amniga kala shiray xaalada gobolka Bakool

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kulan diirada lagu saarayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay xireen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa laamaha amaanka kala hadlay sidii shacabka ku dhaqan degmooyinka Gobolka Bakool looga xureyn lahaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku haayo culeyska faraha badan iyo kala go’doominta degmooyinka Gobolka Bakool.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in laamaha Amniga oo garabsanayo shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool  ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah kooxda aragagixasada ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa wado dadaalo uu ku doonayo in uu kooxda Al-shabaab kaga xureeyo deegaanada hoosyimaado Gobolka Bakool oo ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkaas.
 
   

Barca oo qaab bilaash ah ku dooneysa Aguero.

Barcelona ayaa xiiseyneysa inay si xor ah kula soo saxiixato weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay qortay The Sun.

32-jirkii hore ee Atletico Madrid ayaa qandaraaskiisa waxa uu dhacayaa xagaagaan welina wax qandaraas kordhin ah uma uusan sameynin kooxda Pep Guardiola.

Barca ayaa suuqa ugu jirta gooldhaliye fiican ka dib bixitaankii Luis Suarez, waxaana laga yaabaa inay faa’iido u arkaan saxiixa Aguero oo saaxiib  fiican la ah kabtanka Argentina iyo Blaugrana ee Lionel Messi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta ridday xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa manta xukun dil ah ku ridday Cumar Muxudiin Maxamuud oo ka dambeeyay dilkii marxuum Allaha u naxariistee Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, ,kaas oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda eedeysanaha, waxa ayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga  Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.

Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid  Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la kulmay madaxda Dalkaasi

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb Maxamed  Sheikh Isxaaq iyo wafdi uu hoggaaminaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle,Dr Cabdi Xakiim Luqaam ayaa maanta kulan la qaatay Xubin Katirsan Golaha Sare ee ka arrimiyo Dalka Suudan,taasi oo lagu magacaabo Marwo Caasho Muuse Saciid.

kulanka ayaa ka dhacay Xarunta  Qasrigga Madaxtooyadda Dalka Suudan, halkaas oo ay goob jooga ahaa Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Raami  Ma’muun Bashiir iyo Madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya Dalka Suudan Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego)

Gudoomiyaha ayaa warbixin Guud ka siiyay xaalada Guud Dalka Soomaaliya iyo Midda Hirshabelle iyi xiriirka xoogan  ee u dhaxeeya labada dowladood Sooamaliya iyo Suudan.

Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudan Amb. Maxamed sheikh Isxaaq ayaa umahadceliyay dowlada Sudan sida muuqata ee ay u garab taaganyihiin  waqti walba dowlada  iyo shacabka Soomaaliyeed.

Marwo Caasho Muuse saciid oo ah xubin ka mid ah Golaha sare ee  ka arrimiyo Dalka Suudan ayaa soo dhaweysay booqashada Gudoomiyaha iyo Danjiraha u fadhiya dowlada Soomaaliya Dalka Suudan, iyadoo xaqiijisay inay muhiim tahay  Guud ahaan horumarinta iyo xiriirarka labada dal,gaar  ahaan horumarinta Ganacsiga iyo dhamaan kaaabayaasha dhaqaalaha ee labada wadan, sidoo kale xiirka walalanimo iyo Dhamaan danaha labada dowladood Soomaaliya iyo Suudan.

Gabagabadii Kulanka laba dhinac ayaa ku soo idalaay is -afgarad wanaagsan.

Wasaarada Waxbarashada XFS oo qabatay kulan la xiriiray tayeynta waxbarashada

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Kulankaan waxaa uu ku saabsanaa horumarinta Waxbarashada dalka gaar ahaan qorshayaasha nidaamka imtixaanaadka Sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabbi Xasan ayaa Agaasime waaxeedyada Wasaaradda kula dardaarmay in ay dar dar galiyaan islamarkaana qorshe ka keenaan qaabka ugu haboon ee si hufan imtixaanka lagu maamuli karo.