Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya oo furtay shirka dib u habeynta hanaanka maaliyadda Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda iyo hay’adda lacagta adduunka ee (IMF), ay bilaabeen shirka dib u eegista hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

“Maanta waxaan si wada jir u bilownay annaga iyo IMF dib-ugu-eegista hanaanka Maaliyadda Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Shirkaan oo socon doona muddo labo toddobaad ah, ayaa waxaa looga doodi doona dib u habeynta hanaanka maaliyadda Soomaaliya.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hogaaminaysa shirkaan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galayaan hey’adaha Dowladda qaarkood sida wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.