Taariikhda Wargeysyada Soomaaliya waxay ka soo billaabaneysaa xilligii Dhaqdhaqaaqyada Gobannimo doonka waxayna ka billaabantay meel eber ah.
sababtoo ah ma jirin Dad Aqoon iyo Xirfad u leh Cilmiga Saxaafadda iyo waxtarkeeda, balse, waxaa soo baxay rag kooban, wallow aqoon fiican aysan u lahayn Cilmiga Saxaafadda, haddana ka dhiidhiyay falalka gumeysteyaashii Farasiiska, Ingriiska, iyo Talyaaniga ay ku hayeen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.
Ugu horreyntii, waxaa magaalda Jabuuti markii ugu horreysay 1933,kii laga soo saaray Wargeys la magac baxay { Codka Shaqaalaha} kaasoo xambaarsanaa ficillo wata farriimo xornimo doon ah.
Muddo ka dib, gumeysigii Faransiiska wuu mamnuucay Wargeyskii {Codka Shaqaalaha} oo ay soo saarayeen Shaqaalaha reer Jabuuti, isagoo u arkay inuu dadka ku kicinayo si ay ula dagaallamaan gumeysigiisa.
Intaas ka dib, waxaa magaalada Hargeysa ka soo baxay 1936,kii Wargeys kale oo la magac baxay {Al-Somaal} Kaasoo lagu soo daabici jiray magaalada Cadan ee dalka Yemen, halkaasoo ay deggenaayeen dad reer soomaaliland ah, oo si toos ah ugu xirnaa dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee ka socday dalka Soomaaliya idil ahaantii.
Gumeysiga Ingriiska markuu arkay saameynta Wargeyskani ku yeeshay dadka ku nool gobollada Waqooyi ee uu gumeysanayay, wuxuu amar ku bixiyay in si dhaqso leh looga joojiyo wargeyskani in uu soo galo Dhulka Soomaaliyeed ee uu gumeysto.
Hase yeeshee, taasi ma noqon mid joojisa Wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacbiga soomaaliyeed wada saameeyay meel kasta iyo gobol kasta oo ay joogaanba balse, wuu sii siyaaday ilaa ay xornimadii ay ka qaateen gumeysteyaashii 1960-kii.
Waxaana Sabab u aha Wargeyskii oo si qarsoodi Dalka loo soo gelinaayay, si uu dadka u kiciyo una dagaallamaan.
Sidoo kale, Asaaskii Ururkii SYL, 15-kii, May 1943 ka abuurmay magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya, wuxuu isna billaabay inuu soo saaro Wargeys la magac baxay {Al-Wuxda} kaasoo xiriir la lahaa dhaqdhaqaaqyadii ka socday magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa oo si qarsoodi ah Wrgeysyadu uga soo bixi jireen.
Taariikhda Wargeysyada Soomaaliya waxay soo mareen marxalado kala duwan waxayna door lama illoobaan ah ka soo qaateen halgankii xornimadoonka.
Taariikhda Wargeyska marka laga reebo Xilligii Burburka dowladnimo, waxaa loo qeybiyaa Saddex Marxaladood oo kala ah:
- Xilligii Xorriyadda ka hor
- Xilligii Dowladdii Rayidka
- Xilligii Dowladdii Milliteriga
Wargeysyadii soo bixi jiray xorriyaddii ka hor, waxay kala ahaayeen:-
( A )
1- Somali Journal Dowli 1950——1960,kii–Maalinle
2- Qarni Afriqiya SNL 1957—– 1960,kii–Toddobaadle
3- AL-Wuxda SYL 1957—– 1960,kii–Toddobaadle
4- War-Somali side Dowli 1953——1960,kii–Maalinle
5- Corriere del Somalia Dowli 1950—– 1960,kii–Maalinle
6- AL-Sariixa Gaar 1957—– 1960,kii. Toddobaadle.
Wargeysyadii soo bixi jiray xilligii Dowladdii Rayidka 1960————1969,kii.
Waxay kala ahaayeen:-
( B )
1- L, orizonte Gaar ———————————-Maalinle
2- L, Tirbuno Gaar———————————-Bishii Mar
3- Itixaad Al-Shacbi Dowli SDU———————————–Toddobaadle
4- Al-Kifaax SDU————————————Toddobaadle
5- Al-Xaqiiqa Gaar————————————Tiddobaadle
6- Sowtu-Somaal Dowli———————————–Maalinle
7- Somali Refew Dowli———————————–3-Biloodle
8- Somali News Dowli———————————–Maalinle
9- Al-Shacab Gaar———————————–Bishii Mar
10- Dalka Gaar———————————–Bishii Mar
11- AL-Jihaad Gaar———————————–Toddobaadle
Wargeysyadii soo bixi jiray Xilligii Dowladdii Milliteriga waxay kala ahaayeen:-
( C )
1-Octobar Star Dowli————————————Maalinle
2- Stella D,Otobare Dowli————————————Maalinle
3-Najmatu Octobar Dowli————————————Maalinle
4-Down Dowli————————————Toddobaadle
5-New Era Dowli————————————Bishii Mar
6-Nuova Era Dowli———————————— Bishii Mar
7-Cahdul Jihaad Dowli————————————Bishii Mar
8-Xiddigta Oktoobar Dowli———————————– Maalinle
9-Horseed Dowli————————————Bishii Mar
10-Waaga Cusub Dowli————————————Bishii Mar.
Haddaba, Taariikhda Wargeysyada marka laga hadlayo, waxaa mudan inaan la illoobin doorkii ay ka soo qaateen halgankii gobannimo doonka aan idaacadi jirin oo si qarsoodi ah afkaarta xornimadoonka u fidin jiray, sidaas ayeyna ku noqotay Hooyada Saxaafadda Guud ahaan.
Markii la qoray farta afka soomaaliga, waxay noqotay tii ugu horreysay ee soo saarta Wargeys Afka Soomaaliga ku qoran, wuxuuna ahaa Wargeys la oran jiray Xiddigta Oktoobar, 21-Jannaayo 1973-kii, Maalintaas oo loo aqoonsaday Maalinta Warfaafinta Soomaaliya.
Maalintaas wixii ka dambeeyay, waxaa ballaaratay akhriteyaasha Wargeysyada oo markii hore ku ekaainta yar ee taqaanna luqadaha: Talyaaniga, Ingriiska iyo Carabiga ee Xafiisyada Dowladda ka shaqeeya, mar haddii la helay Wargeys afka soomaaliga ku soo baxa.
Haddaba, doorkii Wargeysyadu kaga jireen kobcinta garaadka iyo aqoonta bulshadu waxaad mooddaa in ay ka gaabiyeen muddadii burburka ka jiray dalka kuna mashquuleen is hardiga siyaasadda ee dalka ka jiray.
Wargeyska Dalka, isagoo daba jooga Taariikhda Wargeysyadii Soomaaliyeed ee halganka u galay xornimodoonka, waxuu doonayaa inoo ka shaqeeyo wacyigalinta iyo kobcinta, garaadka iyo aqoonta bulshada.
Dhinaca kale, wuxuu rabaa inuu soo-saaro bulsho wax aqrisa, waxna qorta islamarkaana ka soo baxaan qoreyaal da,yar ee wax ka qora dhinacyada kala duwan horumarka, Dhaqanka iyo Taariikhda bulshada Soomaaliyeed haddii Alle Idmo.
WD: Shire Kulmiye