Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta Sacuudiga oo qaabbilay Safiirka Riyadh u fadhiya Soomaaliya

Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan bin Abdul Rahman Al-Murshed, ayaa maanta xarunta Sanduuqa ku qaabbilay Safiirka boqortooyada Sacuudiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwllid.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray mashaariicdii la hirgeliyay ee ka qeyb qaatay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara.

Waxaa xusid mudan in Sanduuqaasi uu Soomaaliya ku bixiyay (4) deyn horumarineed oo ujeedadiisu tahay in lagu maalgeliyo mashaariic dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada beeraha iyo waxbarashada.