Masar oo ammaantay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkeeda wax ku barata

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar , ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire; Ilyaas Sheekh Cumar oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay wasaaradda waxbarashada Dalka Masar ayaa la wadaagay warbixin ku aaddan Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata.

Danjire Ilyaas ayaa ugu mahad celiyay deeqaha waxbarsho ee ay Dowladda Masar siiso Ardayda Soomaaliyeed, isagoo xusay in xiriirka waxbarasho ee labada dal uu yahay mid qoto-dheer oo soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.

Dhanka kale mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradda waxbarashada ee dalka Masar ayaa waxay sheegeen in Ardayda Soomaaliyeed ay yihiin kuwa si wanaagsan ugu faa’iideysta deeqaha loo fidiyay, waxayna Safiirka ku bogaadiyeen xiriirka joogtada ah ee uu la leeyahay Wasaaradda waxbarshada Masar iyo Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha dalkaasi.