Ciidamada oo howlgallo ka sameeyay magaalada Guriceel

Cadaado- Cutubyo ka kala tirsan Ciidamada Milateriga, Booliska iyo Nabad sugidda ayaa Maanta siwadajir ah howlgallo qorsheysan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo uga fuliyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadu waxa ay siweyn ugu baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sigaar ah u beegsanayay Gawaarida muraayadaha madow kaga fiiqayay .

Saraakiisha Ciidamada horkacaysay ayaa waxay sheegeen in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmada kadib markii dhawaan Ciidanka dowladda ay magaalada dagaallo maalmo qaatay kaga sareen maleeshiyaadka Ahlusunna.