Dalka Itoobiya oo lagu soo rogay xaalad deg deg ah

Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda kusoo rogtay Xaalad deg deg ah, Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda ayaa laga soo saaray go’aankan iyadoo sabab looga dhigay xaaladdaha Dalku galay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiye oo xalay goor dambe war-murtiyeed kooban soo saaray ayaa yiri “Xilligan waa mid dhibaatoyin is biir-biirsadeen oo imtixaan ah,inta xaalladan laga gudbayana cidkasta way saamayn.Xaalladan degdega ahna waxaa loo soo roggay si xal loogu hello arrimahan”;