Biixi Iimaan Cige oo loo doortay xildhibaankii labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Biixi Iimaan Cige  oo hora yuga tirsanaa Golaha Shacabka ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee dooroshada Golaha shacabka BJFS ee deegaan dooroshadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod halka musharaxa la tartamayey C/raxmaan Ismaaciil uu helay Sagaal Cod waxaana halaabay hal cod ka mid ahaa codadka 101 ergo ee codeysay.

Biixi Iimaan Cige ayaa noqonaya xildhibaankii labaad ee kusoo baxay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka aha ee Soomaaliya.