Doorashada Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Muqdisho ka bilaawaneyso.

Doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaawan doonto gudaha Magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa lagu bilaabi doonaa labo kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka kasoo galayo dhanka  Gobolada Waqooyi kuwaas oo la diyaariyey ergooyinkii u codeyn lahaa Musharixiinta ku tartamo kuraastaas.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa shalay booqday xarunta loo diyaariyey in ay ka dhacdo doorashada labada kursi ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya