Madaxwayne Dani oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashoyinka heer Federaal iyo Xubnaha heer Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro .

Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Wafdigan Guddoomiyaha guddiga Doorashoyinka heer federaal ayaaa deegaanada Puntland u jooga indha indhaynta iyo u diyaargarowga iyo bulshada iyo Maamulka ee Doorashada xubnaha Baarlamaanka Aqalka Hoose oo qayb ka mid ah laga soo dooran doono deegaanada Puntland gaar ahaan Magaaloyinka Garoowe iyo Boosaaso.