Madaxweynaha Galmudug oo ciidanka xoogga dalka ku booriyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shalay gelinkii dambe kormeer ku tagay xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Degmada Guriceel.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada u jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn ku ammaanay Ciidanka Qalabka Sida wanaagsan ay uguteen waajibaadkooda iyo markastana ugu taaganyihiin difaaca ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhan ah cadowga Al-Shabaab iyo cid kasta oo isku dayda in ay qal qal ka abuurta deegaanada nabdoon ee Galmudug.