Golaha wakiilada Puntland oo maanta Gorawe ku shiray

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 48 Mudane ayaa looga dooday Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, Dood dheer kadib, Waxaa Goluhu ansixiyey Ajandaha rasmiga ah oo ka kooban 13-qodob, Waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday 46 xubnood, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday.