Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan (Ciro) oo kormeeray xarumaha doorashooyinka magaalada baydhabo

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan (Ciro) oo ay weheliyaan gudoomiyaha gudiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Yusuf Cabdiqadir Maxamed iyo xubno ka tirsan gudiyada Doorashooyinka oo maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Gollaha Shacabka ee KGS, Sedax (3) hool oo loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka iyo xarunta laga sugayo Amniga Doorashada inta ay socoto .

Gudiyada Doorashooyinka ayaa sido kale Kulan la yeeshey odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana Lagu war geliyay in dhawaan ay bilaaban doonan Doorashada Gollaha Shacabka ,waxana odayaasha dhaqanka ay kula dar-daarmeen in ay u cadaalad falaan musharaxiinta tartamaya.

Ugu danbayn, gudiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan ayaa kulan Is-xogwareysi ah kula yeeshey xaruunta Amniga Doorashooyinka sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan kuwaas oo hada ku howlan sugida Amniga Doorashooyinka .

Gudoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan (Ciro) ayaa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey hoolalka iyo sugida Amaanka Doorashada, wuxuuna sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan ka codsadey in ay guddiga maamulka Doorashada Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan Sugida Amaanka , ergooyinka iyo goobaha codbixintu ay ka dhacayaan .