Midowga Afrika oo hakiyay in Suudaan ka qeyb qaadato howlaha ururka

Midowga Afrika ayaa maanta ku dhawaaqay in la hakiyay in Suudaan ka qeyb qaadato howlaha ururka midowga Afrika kadib markii ciidamada dalkaas afgenbiyeen xukuumadii rayidka
Go’aankaan ayaa ka yimid kadib markii midowag Afrika ka shiray xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka Suudaan.
Midowga Afrika ayaa canbaareeyay tillaaabada ay qaadeen ciidamada Suudaan, wuxuuna ku baaqay in xukunka dib loogu celiyo xukuumaddii rayidka
Midowga Afrika ayaa intaas ku daray in wefdi ka socda ururka loo diray Suudaan si ay uga qeyb qaataan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka Suudaan.