Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray goobo ay dooladda hoose ee xamar dib u dayactir ku samaysay

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta taalada Daljirka Dahsoon oo ay dowlada hoose Xamar ka fulisay howla dayactir ah, si loo muujiyo bilicda Taalada oo ah goob taariikhi ah oo ay bulshada Caasimadda ku dalxiisaan.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale booqday warta KM4 oo dib u habeyn lagu sameeyay, warta Ceel Qaloow iyo warta Fagax, warahaas oo ay dowlada hoose Xamar ugu talagashay maareenta biyaha Roobka Deerta ah.

Kormeerkaas marka uu soo idlaaday ayaa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu la hadlay warbahinta.