Maxkamadda Gobolka Benaadir oo xukun ku riday Mulkiilaha Heya’adda Sahan

Matt Brydan mulkiilaha Hey’adda Sahan Reseach ayey Maxkamadda gobolka Banaadir waxay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka, waxayna Maxkamaddu maanta ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Sidoo kale Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya.