Ra’iisul wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, isagoo warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Ra’iisul wasaaraha waxaa ku wehliyey kormeerka wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee XFS mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.