Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xaalada Guri-Cel

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay Xaaladda Galmudug

Madaxweenaha ayaa ugu horeen shacabweenaha Galmudug uga tacsiyeyay dhiibaatadii Ka dhacday degmada Guri-Cel.

“Waxaan si gaara ugu tacsiyeyaynaya shacabka degmada Guri-Cel oo ay Ku soo duuleen kooxda Ahlu Sunna meeshaas intii ku dhimatay Allah unaxariisto inta dhaawacaana Allah u booga dhayo inagoo aad iyo aad uga xun arintaas uga tiiraayeesan shacabkeeni degmada Guri-Cel dagaalka abaabulan ee lagu soo qaaday guryahoodiina looga dhigtay dhufeesyada iyo xeryaha ciidamada lagana barakaciyay shacabkii deganaa”

Madaxweenaha ayaa soo saaray guddi Ka kooban golle Wasiiro iyo maamulka degmada Guri-Cel kuwaas oo loo xilsaaray in ay gar gaar iyo mucaawino wixii ay Dowlad Goboleedka Galmudug awoodo lagaaraan dadka soo barakacay ee maatada ah ee Ku dhibaateysan geedaha hoostooda.

Madaxweenaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dadka reer Galmudug Dal iyo dibadba in ay taageeraan shacabka dhibaateysan ee la soo barakiciyay.