Madaxweynaha Puntland oo ugu hambalyeeyay Shacabka doorashada Golaha deegaanka

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shacab weynaha Puntland gaar ahaan bulshada magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ugu hambalyeeyay Doorashada goleyaasha deegaanka ee taariikhiga ah ee qabsoomtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul Soomaaliyeed oo Puntland ay horseeday, wuxuuna u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeeyay, Ciidamada Amniga, Ururada Siyaasadda, Warbaahinta iyo Shacabka degmooyinka doorashadu ka dhacday.

Source Sonna