Ra’iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyay doorashada golaha degaanka dowlad-goboleedka Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bulshada, hoggaanka dowlad-goboleedka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashada golaha deegaanka ee ka bilaabatay Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

“Waa tallaabo taariikhi ah, ku dayasho mudan, muhiimna u ah hannaanka dimoqraadiyadda iyo maamul daadejinta dalkeenna. Waxaan rajeynayaa in doorashadu ku soo dhammaato si nabdoon oo hufan”

Shacabka kunool Saddexda degmo ayaa Codkooda dhiibtay, si ay u doorteen Golaha degaanka degmooyinkaas oo ka kala socda 8 Urur siyaasadeed ee kajira degaannada Puntland.