Wasaaradda Gargaarka oo qabatay kulan looga hadlaayey xaalada bini’aadanimo ee gobolada qaar.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan Jubbooyinka, Gedo, Mudug iyo Galgaduud.
Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shir guddoomisay kulankaas, waxaana laga soo saaray war-saxaafadeedkaan.