Ciidamada ammaanka Suudaan oo xiray R/Wasaaraha iyo xubno kale oo muhim ah

Ciidamada ammaanka ee Suudaan ayaa xiray dhowr xubnood  oo ka tirsan hoggaanka rayidka ah ee dalkaasi.iyagoo sidoo kale xabsi guri galiyay ra’iisul wasaare Abdallah Hamdok, sida uu baahiyay TV-ga Al-Hadath.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ay u kaxeysteen meel aan la garanayn ka dib markii uu diiday inuu soo saaro bayaan uu ku taageerayo afgambigii dhacay.

Qabqabashada madaxdaan oo  dhacday kahor waaberigii saaka,ayaa warku imtaa ku daray in dadka la xiray ay ku jiraan wasiirka warshadaha Ibrahim al-Sheikh, wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, iyo la taliyaha ra’iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax.

Af-hayeenka golaha madaxbannaanida ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, iyo barasaabka caasimadda Suudaan, Ayman Khalid, ayaa sidoo kale la xiray.

Militarigu ayaa  xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Khartoum,iyadoo sidoo kale la xadiday isgaarsiinta dalka Suudaan

Suudaan ayaa ku jirtay xaalad  deganaan la’aan ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee bishii hore waxaana muuqata khilaaf u dhexeeyay milatariga iyo kooxaha rayidka ah,kaas oo la xiriiray hab  qaybsiga awoodda dalka,kaddib markii uu meesha ka baxay Cumar Al-Bashiir  oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa.