Ciidamada Xoogga dalka oo guulo ka gaaray dagaalka Guriceel

Dagaalka Guriceel saakay ka qarxay ayaa haatan qaboobay, waxaana saacadihii lasoo dhaafay socday duqeyn xooggan oo ku socotay Jaamacadda oo ah halka ay ku hareen maleeshiyaadka taabacsan Ahlu-Sunna.

Madaxda Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn aqbalay in maleeshiyaadka Ahlu-Sunna ee lagu go’doomiyay qaybo ka mid Guriceel loo furo wado ay ku baxaan, isla markaana la siiyo fursad ay dhaawacyada ilaa shalay yaalay iyo meydka ku qaataan.

Labo saacadood ayaa la siiyay Sheekh Shaakir in uu Guriceel uga baxo, kadib dalabkiisa taasi oo ku eg lixda duhurnimo ee maanta.