Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaalada ka taagan gobalka Tigre

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda bani’aadanimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta gobolka Tigre ee dalka Itoobiya kaddib markii ay sii xoogeysatay colaadda ku dhawaad muddada sanadka ah halkaasi ka socotay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegayta in malaayiin qof oo reer Itoobiya ah ay halis ugu jiraan nafaqadarro, halka qaar kale oo badanna ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo deg deg ah.

Digniintan ayaa timid saacado uun kaddib markii mid ka mid ah diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku adkaatay in ay ku degto magaalada Mekelle oo ay ku khasbanaatay in ay si deg deg ah ugu laabato magaalda Addis Ababa, sababo la xiriira duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada dowladda ay ka wadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Dhacdadaasi kaddib, Qaramada Midoobey waxay joojisay gebi ahaanba duulimaadyadii ay ku tagi jirtay gobolkaasi Tigreeda ee ay colaadda la degtay.

Gemma Connell oo ka tirsan xafiiska arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee OCHA, ayaa sawir xun ka bixisay xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigre.

“Sida ay tahay maanta, waxaa waqooyiga Itoobiya ku nool ku dhawaad toddobo milyan oo qof oo aad ugu baahan gargaar bani’aadannimo. Waxaa ka mid ah in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigre, labada milyan ee kalena waxay ku kala qaybsan yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayay tiri Gemma Connell.