Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Adeeg daadajinta Dowladaha Hoose

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arrimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlad gobaleedka Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah Dowadaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa faray Wasaarada arrimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Jubaland ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arrimaha gudaha Federaalaynt iyo dib u heshiisinta shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabatay bilowga barnaamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.