Doorashada golaha degaanka oo ka billowday degmooyin ka tirsan Puntland

Waxaa saakay aroortii hore si rasmiya u bilaabatay codboxinta doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Xilli horeba waxaa la buux dhaafiyey safafka, waxaana line dheer loogu jiraa sidii muwaadiniinta ay codkooda u bixin lahaayeen, una dooran lahaayeen dadkii matali lahaa.

Goobaha codbixintu ayaa lagu wadaa in ay soo xirmaan  6da maqribnimo haddii alle idmo.

Doorashooyinka ka socda Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, iyadoo laga codeynayaa 54 xarumood, waxaana kaararka codeynta qaatay 37,578,  Doorashooyinka ka socda Saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa waxaa ku tartamaya 8 urur siyaasadeed, waxaana laga codeynayaa 54 xarumood, waxaana kaararka codeynta qaatay 37,578,  sidoo kale waxaa ku tartamaya 449 musharrax, waxaana qorshuhu yahay in la doorto 87 kursi oo ay degmooyinka u kala leeyihiin Qardho: 33 kursi, Eyl 27 kursi iyo Ufeyn:27 kursi