Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska DANAB oo ay wehliyaan ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa sigaar ah  howlgalkan uga fuliyay degaannada Hiloshiid, Janay Cabdale, Kubokibir iyo deegaanka Canjeel, halkaas oo la sheegay inay mararka qaar si dhuumaleeysi ay ku tegi jireen Xubno ka tirsan Malleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dadka Shacabka ah halkaas ku dhibaateyn jiray.