Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Federaalka ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kuwaas oo u yimid u kuur galidda xaalada abaaraha ee ka jira Jubbaland.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxay deeq kala duwan oo ka kooban qalab Caafimaad ku wareejiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland, si wax loogu qabto dadku uu saameeyay abaaraha..

Source: Sonna